Qiso: Dadku Waxay Arkaan Xumaanta Oo Keliya!

0
376

 

Macalin ayaa soo qaaday sabuurad weyn oo Cad,  waxaanu ku dhejiyay Gidaarka.

Badhtanka sabuuradda ayuu ku sameeyay dhibic  madow.  Markaasi ayuu ardaydii weydiiyay maxaad gidaarkan ku aragtaan? dhamaantood waxay ku jawaabeen dhibic madaw.

Hadda-na wuu ku celiyay kolba mid ayaa isku daya oo yidhaahda  “Dhibic madow”  ama Goobo and Globe dunida.

Markii ay halkaasi dhaafin waayeen ayay ka codsadeen macalin noo sheeg?

Macalinka oo yaaban ayaa ardaydii ku yidhi: “Gidaarka waxa ku dhejisan Sabuurad Cad oo saafi ah. Laakiin Idinku waxaad arkaysaan dhibicda yar ee madow oo keliya. Sidaasi ayay aadamigu xumaan yar u wada arkaan iyagoo wanaagga faraha badan indhaha ka laliya.

Leave a Reply