Qiso: Waxa Jira Dad Xumaanta Ka Doorbida Wanaagga

0
319

Maalin ayuu Eygu u tegay Libaax oo ah boqorka Xayawaanka , waxaana uu ku yidhi Boqor waxaan doonayaa inaad iga bedesho magaca Ey maxaa yeelay wuu xun yahay.  Libaaxii ayaa ku yidhi adigu khaayin ayaad tahay magacan ayuunbaa kuu qalma.

Eyagii ayaa ku yidhi dee i tijaabi!   Ka dibna Libaaxii ayaa u dhiibay waslad hilib ah, markaasi ayuu ku yidhi  ii hay ilaa berii subaxa.  Eygii ayaa habeenkii gaajooday oo kolba dhinac ka eega wasladii hilibka ahayd. Markii danbe ayuu yidhi magacayga Ey , ma mid ka wanaagsan aybaa jira ? Maya. Ka dibana wuu cunay. Sidaasi ayuu uga mid yahay dadka mid hamiigiisu gaaban yahay , ku qancaya waxa ugu yar  ka doorbidaya wax liita arinka wanaagsan. Source ( Ibnu Tymiye- Rawaaci Aqwaal)

Leave a Reply