Niyad jabku waa xaalad caafimaad oo ubaahan in il-gooniya lagu eego, waxaa la aaminsanyahay inuu yahay xanuun lala tacaali karo iyadoon loo isticmaalin dawo, balse hadii heerkiisu siyaado ama qofka niyad jabsan gaadho heer uu xataa noloshiisa halis galiyo waxaa lagama maarmaan ah in loo xaliyo qaab baadhitaan caafimaad ku salaysan.
cilmi baadhis laseemayay ayaa sheegaysa in uu niyad jabku ku badanyahay haweenka, iyadoo mid kamida shanti haweena ahba la sheegay inay dareento niyad jab, waliba xilliyada dhiiga ama dhalmadayska. Raga 10kii nin ba waxaa la sheegay inuu mid qabo niyad jab.
Dadka niyad jabsan ma wada lahan calaamadahan hoos ku xusan, waxayna ku xidhantahay heerka niyad jabkooda
Xasuusta oo lunta
Go’aan qaadasho xumo iyo in uu lumo ilsaarida ama niyad ku hayntu
Daal ama xuurto iyo awood dari joogta ah
Qofka oo dareema inuu danbiile yahay
Rajada shaqsiga oo hoos udhac wayni ku yimaada
Ka cabsi la’aan geerida
Hurdo la’aan
Cunno xumo ama si aad ah wax ucunid
Madax xanuun
Xanaaq joogta ah
Dulqaad yari
Hamiga oo yaraada.
Arimaha qoyska: warbixin ayaa sheegaysa in haduu uu jiro khilaaf qoyska dhexdiisa ah ama tacsi ay saamayn karto niyada shaqsiyada kamidka ah qoyska, waana suuragal in qof qoyska ka mid ah uu dareemo niyad jab
Faraxumayn: ama xusuus xun xiliga ilmuhu uu yaryahay maskaxdiisu waxay duubtaa badanaa waxaa uu usoo joogay wanaag iyo xumaanba, hadii dhacdo xun sida kufsi uu lasoo kulmay waxay saamaynaysaa noloshiisa inta ka hadhay waxayna keeni karta niyad jab raaga
Welwalka: sidoo kale waxa uu kamid yahay qodobada sahla inuu yimaado niyad jab, badanaana waxaa lagu xaliyaa qaab daawo ah haduu walwal jiro
Khamriga: dadka caba khamriga ama leh balwad kale sida sigaarka ama qaadka waxay la darsaan xaalad niyad jab.
Nolosha: haduu qofku uusan guursan ama kali yahay, ama ay tahay haweenay la furay waxaa dhici kara niyad jab, dadka isqaba ama lamaanaha haysta waa ku yaryahay niyad jabku, sidoo kale hadii qofka uu dhaqaalihiisu yaryahay ama noloshu ku adagtahay waxaa la darsi kara niyad jab.
Jinsiga: dadka la haybsooco ama nugulka ah mar walba waxay uga dhawyihiin niyad jab dadka kale ee aan la haybsoocin, waayo maskaxdooda waxaa ka dhaadhaca inay yihiin laga fiicnayaal, niyad jabkuna waa xanuun maskixiyan ah.
Talo.
Niyad jabku waa xaalad taxadarkeeda leh, si aad uga hortagto iska ilaali wax dhaawici kara sharafkaaga iyo maskaxdaada, lana noolow dad wanaagsan oo marwalba niyada kuu dhisa, ahna saaxiib ama ehel.