Caagagga Balastigga Ee Badda Lagu Qubo Ayaa Ka Badan Doona Kalluunka Badda Ku Nool 2050-ka

0
338

Dame Ellen  MacArthur oo ah Bad-mareen rug caddaa ah ayaa sidoo kale waxay noqotay shaqsi indhaha ka qaadda baddaha dunida in kabadan dadyawga kale,

Hadda waxay kadigaysaa inay jirto dhibaato ah in badda wasakhda lagu daadiyo ay kabadan doonto kalluunka badda kunool 2050.

Warbixin lagu shaaciyay dood isweydaarsi lagaga hadlayay dhaqaalaha caalamka ayaa lagu sheegay in caagagga balaastiiga warshaduhu sameeyaan ay kubixi doonto 20% waxsoo saarka shidaalka muddo 35 sanno inkabadan qiyaasta hadda oo ah 5%.

Waxsoo saarka caagagga balaastiigga ayaa siyaaday labaatan laab ilaa 1964,  iyadoo gaadhay 311 milyan oo tan sanadkiiii 2014, warbaxinta ayaa intaasi kusii dartay. inay suuragal tahay inay labalaabanto markale ama afarlaabanto ilaa 2050.

Iyadoo ay ugu wacantahay baahida jirta, ayaa waxa dib loo hagaajiyaa 5% caagagga balaastiigga baqolkiiba afartanka soo hafhana waxaa lagu qubaa badaha.

In badan oo kamid ah balaastiiga ayaa la gubaa si looga dhigo, boorsooyin balaastiig ah, koobab, tuumbooyin iyo waxyaabo la mid ah, iyaddoo la isticmaalayo shidaalka dhulka laga qodo.

Tobonaan sanno oo waxsoo saar balaastiig ah ayaa sababay dhibaatooyin deegaan,

Warbixinta ayaa sheegaysa in sanad walbo “ ugu yaraan 8 milyan oo tan  lagu shubo baddaha,taasoo leeg halkii qashin hal gaadhi oo  buuxa oo baddaha lagu qubo daqiiqad kasta”,

Cilmi baadhis lasameeyey sanad kahor ayaa sheegeysa inay jiraan in kabadan 5 tan oo gobol-gobol caagag balaastiig ah oo heehaabaya baddaha, sidoo kale walxaha ka waaweyn ee baddaha lagu shubo ayaa halis ku ah xayawaan badeedyada qaar sida Qubada taasoo liqi karta,

Culimada Seyniska ayaa sheegay  inay arkeen wasakh iyo caagag balaastiigga ah oo aan xisaab lahayn oo goglan badda salkeeda, taasoo aan la ogaan karin dhibaatada ay keeneyso,

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in xal loo helo si looga hortago wasakhowga badda,

Sidoo kale waxa laga yaabaa in arintani ay saamayn ku yeelato ama cadaadis ku keento warshadaha dunida.

 

 

Leave a Reply