Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Abaal Mariyay Shaqaalihii Kartida Muujiyay 2016-kii

0
281

Hargaysa (Dawan)-Komishanka  xuquuqal iinsaanka Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa abaal-marinno iskugu jira  shahaado sharafyo iyo lacag ku maamuusay shaqaalihii muujiyay hawlkarnimada iyo dedaalka  xafiiskaas.  Xaflad  shalay loo sameeyay  abaalmarintan, waxa ka soo qaybgalay xubnaha guddiga xuquuqal iinsaanka qaranka iyo shaqaalaha hay’adaas.

Guddoomiyaha Guddiga  komishanka  xuquuqal iinsaanka qaranka, Marwo,  Farxiya Xuseen Jaahuur,  oo xafladaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in shaqaalaha komishanku  ay u soo dhabar-adaygeen shaqada ay hayaan, waxaanay  ku amaantay hawl-karnimada ay muujiyeen.

Shaqaalahan  shahaado sharafta  iyo lacagta la gudoonsiiyay oo ay kala duwanayd qadarka lacageed ee la gudoonsiiyay ayaa waxaa qofka ugu badan la siiyay lacag dhan, 500, 000 halka shaqaalaha kalena ay heleen inta u dhaxaysa   400, 000 300, 000 250, 000 iyo 150, 000 oo shillinka Somaliland gudoon siisay shaqaalihii shaqo wanaaga muujiyay sanadkii tegay ee 2016- ka.

“Waxaanu maanta  (shalay) isugu nimid oo kulankan daaran yahay, oo aynu is xusuusinaynaa shaqaalihii innoogu fiicnaa sannadkii tegay ee 2016-ka, si ay dhiirigelin ugu noqoto shaqaalaha kale, oo aynu ku gudoonsiino shaqaale  waaxeedyada koomishanka  xuquuqal iinsaanka qaranka shahaado sharafyo iyo qadar lacag ah  oo ay ku mutaysteen  hawl-karnimada  ay muujiyay ee aan maalin qudha jarin shaqada ay hayaan,”ayay tidhi Guddoomiyaha Komishanka  xuquuqul-insaanku.

Waxa kaloo ay marwo Farxiya, ka warbixisay waaxyaha uu ka kooban yahay komishanka xuquual iinsaanka qaranku, waxaanay tidhi,  “Koomishanka xuquuqal iinsaanka qaranku waxa uu ka kooban yahay afar waaxood, oo kala ah waaxda cabashooyinka,  waaxda kormeerka iyo daba-galka,  waaxda xog ururinta iyo waaxda maaliyada. Aad ayaan shaqaalahayga ugu hambalyaynayaa, waayo? shaqaaluhu waa waxa uu ku taagan yahay koomishanku, waanay  soo dhabar-adaygeen muddo shan sanadood ayaanan soo wada shaqaynaynay oo aan wada joognay.

 

Shaqo wanaagsan ayaanan u rejaynayaa inagoo dar-dar gelinay-na  shaqadeena, madaama oo aynu nahay  dad u adeegaya dadka  jilicsan ee ay tacadiyadu  ku dhacaan.”

Sidoo kale waxaa isna halkaa  ka hadlay Liibaan Ismaaciil Maxamed,  oo ka mid ah xubanaha koomishanka   xuquuqal iinsaanka qaranka, waxaanu  ku amaanay shaqaalaha koomishanka  hawl-karnida  ay muujiyeen sanadkii tegay.Waxaanu yidhi, “Waxaan idinku  hambalyaynayaa dar-dar gelinta shaqada sanadka cusub,  waxaanan idinku dhiiri-gelinaynaa sanadka cusub ee 2017-ka  hawshii iyo shaqadii aad  soo qabteen waaxyaha koomishanku sanadkii  tegay ee 2016-kii  khaasatan afarta waaxood, in la abaal-mariyay.”

 

 

Baaq Sharci iyo Bogaadin Madaxweyne

Annagoo Ah xafiiska Horn legal consulting and services waxaanu hambalyo u diraynaa madaxwaynaha jsl muddane Axmed M M Siilaanyo  go,aankii uu ku hoose geeyay Miisaaniyadii maxkamadda hoose ku hoos geeyay Maxkamdda sare  iyo inuu Magacii wasaaradda cadaaladda ka saaray khaladkii dastuuriga ahaa eek u jiray uu saxo.

Waa go,aan taariikhi ah oo lagu xasuusan doono Madaxwaynaha Jsl  wax kale oo aan hamblyo u dirayaa Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee jsl Mudane Axmed Xuseen Cadare sida geesinimada leh ee uu uga qayb qaatay in miisaaniyadda maxkamadda hoose wasaaradiisa laga wareejiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply