Dacawadii Cajiibka Ahayd iyo Xaakinka

0
319

Nin gancsade ah ayaa ceel biyood oo uu lahaa ka iibiyay nin beeraly ah oo lacagtiina qaatay. Maalintii ninka beeralayda ahi uu doonay inuu ceelka biyo ka dhaansadao ayuu u diiday ganacasaduhu. Waxaana uu ku yidhi “Anigu ceelka ayaan ka iibiyay ee kamaan iibin biyaha ku jira, kuwaasi aniga ayaa iska leh, adiguna ceelka ayaad leedahay.

 

Wakhtigana haddii aad doonayso inaad biyo ka dhaansatana waa inaad lacagta iska bixisaan. Ninkii beeralyda ahaa isagoo yaaban ayuu diiday arinkaasi waxaana uu u tegay qaadigii magaalada.

Qaadiga ayaa doodi labada dhinacba dhegaystay  Markii uu ka bogtay ayuu ninkii ganacsadaha ah ku yidhi “ Ninkaan miyaad ka iibisay ceelka?” , haa ayuu ku jawaabay, laakiin kamaan iibin biyaha ayuu haddana raaciyay.
Qaadiga ayaa ugu jawaabay “ Haddii aad qiratay inaad ka iibisay ceelka, waxa waajib kugu ah inaad biyahaaga kala baxdo, waayo xaq uguma lihid inuu kuugu ilaaliyo weel aad ka iibisay, haddii kale waxaad bixin doontaa kirada si uu kuugu hayo ceelkiisa biyahaaga.  Taajirkii ayaa gartay inay arintan ku fashilamay  waxaana uu maxkamad ka tegay isagoo aad u niyad jabay oo khajilsan.

 

Leave a Reply