Dhagax Dahabka Dabiiciga ah ee ugu Weyn Dunida

0
841

Brunei  waa dawlad yar oo ka tirsan jasiiradaha Borneo waxayna ku yaallaan badda koonfurt China iyo Malaysia. Brunei waa dhul kaymo ah oo qurux badan . Caasimadda Bandar waxa ku yaalla Masaajidka Jame’Asr Hassanil oo dahab badani ku jiro dhismihiisa. Waxa kale oo ku yaalla Qasriga quruxda badan ee Nurul Iman palace oo ah halka ay degan yihiin saldanadda xukunta Brunei. Waxa kale oo yaalla dhagaxa ugu weyn dunida ee dahabka saafiga ah kaasi oo inta la quruxiyay dalxiisayaasha iyo dadka soo daawanaya aad u xiiseeyaan.

Dadka soo daawanayaa aya aad loo baadha isla markaana loola socda si aanay aalado waxyeeleeya ama  ay badh kaga goosan Karaan ula gelin. Boqorka wakhtigan xukuma waa Boqor Hasaanal Bolkiah , iyadoo dadka ku noolina ay tiradoodu dhan tahay 417,784 qof. Lacagta ay isticmaalaan waa dollerka Brunei. Dalkani waa dawladda labaad ee ugu horumarasan bariga Aasiya marka laga yimaado Singphore. Dalku Wuxu soo saara saliida iyo gaasta dabiiciga ah waxa kale oo dalka wakhtigan ku badan wershadaha.

Baanka aduunka ayaa sheegay in ay ka mid tahay dalalka horumarka sameeya isla markaana sanadkii 2010 uu dhaqalaheedu kor u kacay 56%.  Waxa kale oo Brunei ay noqotay dalka aan debedda wax dayn ah lagaga lahayn 0 debit.  Dadka ku nool 67% waa muslimka suniga ah, 13% waa Hinduus halkan 10% ay ka yihiin Christian.

Leave a Reply