Guddoomiyaha Degmada Dila oo ka Dayriyay Xaaladda Nololeed ee Dadka soo Guurtada ah

0
297

Dila (Dawan)- Guddoomiyaha degmada Dilla ee gobolka Awdal,  Ibraahim Cabdi Xaaji,  ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka soo guurtada ah ee abaaraha darteed u hayaamay deegaannada hoos yimaada degmada Dilla.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadkii soo guurtada ahaa ay ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen, oo ay caydhoobeen, isla markaana ay la qabsan waayeen cimilada iyo qabowga jira, sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkii hore deegaanka u ahaa ay laftoodu ku jiraan xaalad adag, isla markaana ay ku dhawyihiin in ay barakacaan.

Ibraahin Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Shacabka halkan u soo guurey ee yimid, waxa ay wateen xoolo, xooluhuna waa ay ladnaayeen oo wax ay cunaan ayay ka heleen goobtan, maanta wixii ay cunayeen waa uu dhamaaday, xoolihiina intooda badani waa ay dhimatay, sababta oo ah waxay la garan waayeen barafka xoogan ee meeshan ka dhacaya iyo isbedelka cimilada, markaa xooluhu iyagu hadal ba malaha”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadkii degmada Dila iyaga laf ahaantoodu wakhtigan ay qarka u saaran yihiin inay barakacaan, waxaanu yidhi “Imika dadkii baa halis ku jira, wax raashin ah oo la siiyo intaasaa u horreysa, dadkii deegaanka ee ay u yimaadeen ee ay wax la cunayeena Illaahay uun baa xaalkooda og oo  la mid ayay noqdeen oo iyagiina waa barakac, hadday og yihiin inay dadkooda abaari hayso haw yimaadaan oo ha arkaan”

Mr. Ibraahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay “Waxaa ay indhahaygu qabteen oo aan dul-tagay nin watay laba tiro oo adhiya, waxaana uga hadhay saddex neef oo kaliya, walaahay waan ka dul ooyay oo sidiibay yihiin, waxay cunaana ma heystaan, boqolkiiba konton dadkii soo guuray halkaasi ayay taagan yihiin, dadku waa ay nagu dul caydhoobeen ee inta aanay nagu dul dhiman hala soo gaadho”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply