Maayarka Carrooley oo ka Hadlay Dugsi Sare oo Laga Hirgeliyay Degmadaas

0
338

Carrooley (Dawan)- Muwaadin lagu magacaabo Cabdixakiin Axmed Xirsi (Xawte) oo kamid ah qurbejooga reer Somaliland ayaa magaallada Carrooley ee gobolka Xaysimo ka hirgeliyay Dugsi sare isla markaana jeebkiisa ka bixiyay dhaqaalaha lagu dhisay dugsigaasi oo ka kooban fasalo tiro badan iyo xafiisyadii maamulka, kaas oo loogu magac daray Xawte Secondary School.

Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi ka sokow hirgelinta iyo dhismaha dugsigaasi sare ee magaalada  Carrooley, sidoo kale waxa uu dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose dhexe oo ay degmadu yeelan doonto, kaas oo laga hirgelinayo magaalada Dhubuq-dhubuq ee degmada  Carrooley.

Maayarka degmada  Carrooley Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, ayaa ka hadlay hirgelint iyo dhismaha dugsigaasi laga hirgeliyay degmada, waxaanu uga mahad naqay muwaadinka bixiyay dhaqaalaha ku baxay dhismahha dugsigaasi, waxaanu yidhi “Aniga oo ah maayarka degmada Caroolay Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxaan u mahad naqayaa muwadinka Cabdixakiin Axmed Xirsi oo ah ninka hirgeliyay dugsiga sare ee degmada  Carrooley,  oo ka kooban lix fasal iyo dayr wayn oo ku areegsan, waana iskuul ku fadhiya dhul aad u ballaadhan, waxaanu ku bixiyay hantidiisa shakhsiga ah oo uu ku dhisay, waxaan ILLAAHAY uga baryaynaa in uu miisaankna xasanaadka u saaro aakhirana wanaag ku abaal mariyo, waxaanay degmadu kaga raysatay oo ay kaga baxday baahidii halkaasi ka jirtay ee ay degmadu u qabtay dugsi sare oo aanay hore u lahayn.

Maayarku waxa kale oo uu intaasi raaciyay, “Muwaadinkan hirgeliyay dugsiga sare ee degmada  Carrooley, Cabdixakiin Axmed Xirs, waxa kale oo aan uga mahad celinayaa isaga oo mar labaad ku soo noqday degmadiisa oo furay ama xadhiga ka jaray dugsigan sare ee degmada  Carrooley, isla markaana mar labaad soo dhagax dhigay dugsiga hoose dhexe ee magaalada Dhubuq-dhubuq, oo ka tirsan degmada  Carrooley, soona booqday dadkiisa, isla markaana indhihiisa ku soo arkay xaalada abaareed ee deegaanka ka jirta, isaga oo dadkiisa jilicsan ee deegaankaasi la soo qaybsaday xaaladda adag ee nololeed ee ay ku sugan yihiin. Waanu uga mahad naqaynaa maasaafadaa fog ee uuga yimi dadkiisa iyo deegaankiisa.”

Maayarka degmada  Carrooley Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa kale oo uu u mahad naqay wasiirka wasaaradda waxbarashada jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi Dheere), oo ku amaanay kaalinta muuqata ee uu ka qaatay furitaanka iyo hirgelinta dugsigaasi, waxaanu yidhi “Waxaan si ballaadhan ugu mahad naqayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada  Cabdillaahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi Dheere), isaga oo ka jawaabay codsigayagii aanu u gudbinay, isla markaana na soo gaadhsiiyay qalabkii iyo buugaagtii dugsiyada hoose dhexe iyo dugsida sare ee halkaasi laga hirgeliyay, buugaagtaas oo a manhajkii cusubaa ee jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo jira qalab kale oo u ugu deeqay dugsiga, iyo ballan qaadyo kale oo uu noogu balan qaaday in uu wax nagala qaban doono baahiyaha kale ee dugsiga.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa kale oo uu u mahad naqay wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka qayb galay xafladdii furitaanka dugsiga sare ee degmada  Carrooley isla markaana balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha dugsiga. Sidoo kale wasiirku waxa uu noo balan qaaday in uu wax ka qaban doono adeegyada asaasiga ah ee degmada ilsa markaana uu gacan wayn ka geysan doono arrimaha caafimaadka iyo biyaha, oo uu degmada ka hirgelin doono dhismaha goob caafimaad iyo in la tayeeyo adeegyada biyaha ee degmada isla markaana loo qodi doono ceelal biyood, waanan ku hambalyaynayaa, waxaanan ka rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgelin doono.”

Maayarku waxa kale oo uu u mahad naqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir, iyo  Agaasimaha guud ee wasaaradda dalxiisa iyo dhaqanka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), masuuliyiintaasi oo uu tilmaamay in la’aantood aanu hirgaleen dhismaha dugsigani isla markaana ay kaalin wayn oo wax ku ool ah la garab istaageen hirgelinta dugsigaasi.

Maayarka degmada  Carrooley Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in ay jiraan ballan qaadyo dhawr ah oo ay ka sugayaan xukuumadda Somaliland isla markaana uu rajaynayo in ay si dhakhso ah u hirgeli doonaan, waxaanu yidhi “waxa jira waxyaabo badan oo ay xukuumaddu noo balan qaaday oo aanu sugaynaa, macalimiintii ka hawl galaysay dugsiga waxaanu u gudbinay wasiirka waxbarashasda anaga oo nidaamkii soo marinay, waxaanu noo balan qaaday in uu ku dari doono saanadka cusub bilawgiisa, waxaanan rajaynaynaa in ay bilawga sanadkan noo raacdo.

Dugsigan sare ee cusub waxaa ka maqan laydhkii, waxaanu u baahanahay in dugsiga loo sameeyo meeshii ay ardaydu ku kulmi lahaayeen, laybareerigii ay wax ku akhrisan lahaayeen iyo shaybaadhkii maadaama uu dugsigu yahay dugsi sare, waxaas oo dhan waanu ka sugaynaa, madaxdda badankeeduna way tageen Carooray oo way u hoydeen, waxaanay seexdeen xarunta dugsiga.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply