Weriye Saciid Cagjar Oo Ka Mid Noqday Wariyayaal Ku Guulaystay Abaalmarin Uu Bixiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF

0
283

Hargeysa(Dawan)-Masuuliyiinta Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,  tabobar uu u qabtay dhawaan 90 Suxufi oo ka hawlgala warbaahinta dalka, iyadoo loo kala qeybiyay ka qaybgaleyaashii tabobarkaas  saddex kooxood oo mid waliba ka koobanayd  30 suxufi. waxaa  lagu tartansiiyay koox kasta  inay soo qorto warbixin la xidhiidha mid ka mid ah  mashaariicda laga fuliyay Somaliland ee laga maalgeliyay sanduuqa SDF.

Xaflad loo sameeyay  gunaanadka tabobarkaas oo Isniintii lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Hargeysa,  waxa abaal-gud iskugu jiray Laptop-yo, kamarado iyo rikoodho la gudoon siiyay xubnihii saddexda kooxoodba u galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Weriye Siciid Faarax Muuse (Cagjar) oo ka mid ah Suxufiyiinta wargeyska Dawan, ayaa kaalinta koowaad u galay kooxdiisii, waxaana  la gudoon siiyay laptop iyo shahaado sharaf. Waxa abaalmarinta uu ku guulaystay soo dhaweeyay Masuuliyiinta Dawan Media Group. Waxaanay sheegeen inay tallaabadani tahay mid ay aad ugu farxeen  oo ka turjumaysa horumarka ay shaqaalahoodu ka sameynayaan xirfada saxaafadda.

Weriye Siciid Cagjar, oo ka hadlay abaalmarinta la gudoon siiyay, ayaa u mahadceliyay macalimiintiisii, sida uu ku baahiyay bartiisa  xidhiidhka dadweynaha ee Face-book,  “Tabobar la xidhiidha gudbinta wararka togan iyo horumarka dalka oo ay ka qayb qaateen 90 Saxafi islamarkaana ay bixinayeen SOLJA  Iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa  la soo gunaanaday.
Waxaan Alle ugu mahadnaqayaa in aan ka mid noqday saddexdii Saxafi ee ugu sareeyey qiimayn lagu sameeyey qaabka gudbinta talmoon, dhammaan waanu guulaysanay. wax badana waanu faa’iidnay.  Mahada labaada waxaan u celinayaa Macalimintaydii  , Tifaftiraha Wargeyskayga Dawan iyo walaashay Deeqa Axmed Cabdilaahi oo aanan la’aanteed guulaysteen,”ayuu qoraalkiisa ku yidhi Siciid Cagjar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply