Saamaynta Suuqa iyo Lacagaha Samayska ah

0
317

Lacagtu waa waraaqo iyo qadaadiic la isla gartay qiimaheeda, waxa sameeya dawladaha, taasi oo qiime sugan leh. Waxa jecel tuugta oo xada lacagta asalka ah, mararka qaarkoodna tuugtu waxay sameeyaan lacago been abuur ah (Foorjari). Ma jiro shay ka degdeg badan lacagta oo saameeyaa dhaqaalaha dal , koox ama shakhsi.

 

Dadka badankoodu waxay ku helaan si dhib badan iyo shaqo adag, laakiin qaarkood waxay ku helaan si dhib yar, iyagoo u samaysta si aan sharci ahayn oo foojari been abuur ah iyo kuwo kale oo iyana tuug ah oo lacagta asalka xada, laakiin labadooduba waa noocyo tuugo ah oo kala duwan.

 

Haddii lacagta loo daabaco si been abuur way ka dhib badan tahay tan asalka ah ee tuugtu xaday, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelataa suuqa wax kala iibsiga iyo dhaqaalaha guud ee dalka, iyadoo horseeda sicir barar, halka lacagta asalka ah ee la xaday ay ka mid tahay tan marka horeba Baanka iyo xukuumadda qiyaas ah suuqa ku ogaayeen.

 

Sidaasi ayuu dagaalkii labaad Jarmalku u sameeyay lacag been abuur ah (Foorjari) oo Giniga Ingriiska ah si uu dhaqaalaha Ingiriiska u baabiiyo. Arimahaasina waxa u xil saaraan baanka oo loo baahan yahay inuu bulshada ka ilaaliyo lacagaha aan asalka ahayn ee suuqa la soo geliyo ee saamaynta ku yeesha suuqaha kala bedelashada lacagaha iyo guud ahaa badeecadaha kala duwan.

 

Leave a Reply