Dalka Masar oo Laga Helay 12 Qabri Iyo Guri oo ah Kuwii Fircoon Geli Jiray

0
337

Khubaro ka socotay wadanka Sweden ayaa markii ugu horeysay helay guryo iyo qabriyo ama xabaalo gaadhaaya ilaa 12, kuwaas oo ay isticmaali jireen Faraacidii dalkaasi ku noolayd, waxaanay guryahan iyo qabriyadani yihiin kuwo dhulka ku aasan.

Guryahan iyo xabaalahan ayaa laga helay Koonfurta wadanka Masar, iyada oo uu arrintaasi aad uga shaqeeyey badhasaabka gobolka Aswan , iyada oo waqtiga ay jireen ama dhisnaayeen lagu sheegay inay gaadhayso ilaa 3,500 oo sanno.

Waqtiyadaas ayaa lagu sheegaa inay dalkaasi maamulayeen boqoraddii lagu magcaabi jiray Thutmose III iyo Amenhotep II ,kuwaas oo xukunka wadankaasi u kala dambeeyey, mid walibana uu muddo maamulaayey.

Wasaaradda Ataatarta qadiimiga ah ee wadanka Masar oo qoraal ay kazoo saartay lagu qoray wargeyska Al Ahram oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegtay in khubarada daaha ka rogtay xabaalahani yihiin kuwo ka socday jaamacadda Lindh University oo laga lee yahay ama ku taala wadanka Sweden, waxaanay sheegeen in ay goobto tahay meesha lagu Magcaabo Jebel oo ah buuraha xidhiidhsan ee degaankaasi ku yaala.

Waxa kale oo goobtaasi laga helay  hadhaaga lafo iyo xayawaano , iyada oo ay suurtogal tahay in ay khubaradani kazoo saaraan waxyaalo la xidhiidha caafimaadka  iyo daweynta ee waqtigaasi hore ay reer Masar isticmaali jireen.

Agaasimaha guud ee Gobolka Aswan iyo Nubia ayaa sheegay in ay xabaalahaasi ka heleen xoolo lagu aasay iyo sidoo kalena qolal  mid mid ah iyo kuwo laba laba ah , kuwaas oo qaarkood ay yaalaan alaabooyin kala duwan ,sida dheryo oo kale.

Maria Nelson oo ah madaxa kooxdan ayaa iyaduna sheegtay in ay heleen meelo kala duwan oo sidan oo kale xoolo lagu aasay , sidoo kalena qalab noocan oo kale ahi ku aasan yihiin.

Waxaanay Nelson sheegtay inay sii wadayaan baadhitaankan, iyaga oo soo saari doona warbixin kama dambays ah marka uu cilmibaadhistani dhamaato.

 

Leave a Reply