Shirkadda Air Bus oo Soo Saartay Diyaarad is Wada oo Tagsi Ahaan Loo Adeegsan Karo

0
311

Shirkadda Air Bus ayaa soo saartay diyaarad yar oo Air Bus ah , taas oo iskeed isu wada, waxaana laga hagayaa xarunta shirkaddaasi, iyada oo la wado meelo cusub oo loogu talo galay in laga hago mustaqbalka.

Diyaaradan ayaa loogu talo galay in lasoo saaro sannadka 2017 ka, sida uu sheegay Tom Enders oo ah Agaasime ku xigeenka shirkaddaasi Air Bus, waxaanay diyaaradani noqon doontaa mid sida Tagsiga oo kale loo isticmaalo, iyada oo iskeed isu wadaysa, sidoo kalena adeegyo dheeraada yeelanaysa.

Agaasime ku xigeenka oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid xal loogu helaayo qiiqan faraha badan ee hawada wasakhaynaaya iyo sidoo kalena cidhiidhigan badan ee wadooyinka ka taagan.

Waxaanu intaasi raaciyey in uu yeelan doono Tagsigani adeegyo cusub oo ka duwan kuwii hore ay u lahaayeen diyaaradohoodu ama tagsiyadda caadiga ah ee la isticmaalaa, isaga oo intaas ku daray in uu qofka macmiilka ahi awoodo inuu dalbado gaadhigaasi , kadibna loo diro, iyada oo uu u isticmaalaayo sida Helicopter-ta oo kale.

Shirkaddan ayaa sidoo kale sannadkii hroe soo saartay diyaarad yar oo awood u leh inay qaado dad waxoogaa ah ,kuwaas oo iyaguna u isticmaalaaya sida tagsiga oo kale, laakiin kan waa mid ka duwan taasi hore.

Mashruucan ayaa lagu magcaabaa Vahana, kaas oo looga jeedo Taxi Flight ama Tagsigii duulaayey, waxaanu ka caawinayaa dadka inay goobaha miyiga ah si fudud u tegi karaan, sidoo kalena aanay dhib badan la kulmi Karin.

Waxaana iibkiisu bilaabmi doonaa Tagsigan sannadka 2020  oo laga heli doono Tagsigan diyaaradda ah suuqyada caalamka .

Mr Tom ayaa sheegay in uu Tagsigaasi diyaarada ahi hadda ku jiro wejigiisii tijaabada, iyaga oo khubaro badan geliyey mashruucan, si looga dhigo mid la saaxiib ah degaanka oo ilaalin kara , kana hor tegi kara inuu qiiq badan ku keeno magaalooyinka.

Waxa kale oo uu sheegay inuu yaraynaayo lacagihii badnaa ee ku bixi jiray dhismaha waddooyinka kala duwan iyo lacagihii diyaaradaha gaarka ah ku bixi jiray.

 

Leave a Reply