Mid Kamida Hubka Ruushka oo Meeshii ugu Horeysay ee Lagu Tijaabiyaa Noqotay Suuriya

0
330

Waxa markii ugu horeysay lagu tijaabiyey wadanka Suuriya mid kamid ah hubka ay isticmaalaan ciidamada Wadanka Ruushku, kaas oo lagu magcaabo T-Batch 72 Or 1, kaas oo dhowaan la casriyeeyey lagana dhigay  T-72.

Habka cusub ee loo sameeyey ama loo casriyeeyey Kaarahan ama Taangigan ayaa ah in laga dhigay mid leh internet u gaar ah, sidoo kalena awooda  inuu iska difaaco gantaalada kala duwan oo ay kamid yihiin Gantaalada lagu toogto ama lagu dilo Taangiyada.

Waxa kale oo uu taangigani awood u lee yahay inuu korkiisu iska difaacdo rasaasta iyo gantaalada kusoo dhacaaya, iyada oo ka hor geynaysa waxyaalo loogu talo galay, waxaana markii ugu horeysay lagaga dagaalamay dalka Suuriya .

Khubarada ciidamada Ruushka oo warbixin siinaysay Telefishanka Russia Today oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay ayaa sheegay in Taangigani yahay mid awooda inuu u adkaysto gantaal walba oo ku dhaca , sidoo kalena si fudud loo hagaajin karo haddii ay dhibaato soo gaadho.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay hadda ku tabobareen khubaro Suuriyaan ah inay horumarin ku samayn karaan Taangiyaddan, madaama oo laga yaabo inay ciidamadoodu isticmaalaan .

 

 

Leave a Reply