Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodijeex oo Xilkii la Wareegay

0
304

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa shalay si rasmi ah xilkii u gala wareegay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex oo ahaa ku simaha Guddoomiyaha Gobolka.

Munaasibad loo qabtay xil wareejinta ayaa lagu qabtay hoolka xarunta maamulka gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, waxa  ka soo qabygalay Wasiirka  arrimaha Gudaha, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka, Wasiir ku xigeennada  Dalxiiska iyo Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Maayar ku xigeenka magaalada Hargeysa, xoghayaha gobolka Maroodijeex, guddoomiyayaasha hoos yimaaada gobolka Maroodijeex, salaadiin, cuqaal, haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo wayn ka qabo in guddoomiyaha cusub ee  Maroodijeex uu xilka ka soo bixi doono, isla markaana uu u qalmo in xilkaa loo magacaabo, waxaannu yidhi, “Rejada laga qabo iyo sida loogu faraxsanyahay ee loogu bogay xilkaa loo magcaabay ayaan kaga qiyaas qaadanayaa in uu yahay nin xilkaa loo magacaabay ee guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex u qalma, oo ka soo bixi doona, waxa aan kuu ballan qaadayaa wasaarada arimaha gudaha iyo laamaheeda iyo haday tahay ciidanka Booliska iyo haday tahay laamaha kale in gacan buuxda aanu ku siin doono, oo kula shaqayn doono oo xilkaa laguu igmaday aanu kula garab istaagi doono”.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex, ahaana ku simaha guddoomiyaha Gobolka, Rashiid Axmed Muxumed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Gobolka Maroodijeex yahay gobal ballaadhan oo baaxad wayn, waxaana uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodijeex, waxaanu yidhi “Aniga oo ahaa ku simihii guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex muddo kooban, ahna guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodijeex, waxaan halkan ku soo dhawaynayaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodijeex ee nasiibka u yeeshay in uu noqdo guddoomiyaha Gobolkan, waxa aan leeyahay Gobolkan run ahaantii waa gobal ballaadhan oo culayskiisa leh, masuuliyad wayn ayaa maanta ku fuushay.”.

Guddoomiyaha cusb ee Gobolka Maroodijeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug Buraale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in si daacadnimo iyo hufnaan ah uu ugu adeegi doono bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodijeex, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay shacabkayga Gobolka in ay si fiican iila shaqayn doonaan aad ayaan u kala garanayaa aqoon badana waan u leeyahay, bulshada Gobolkan ku dhaqan wax alla wax aan kala hadhi doonaa majiro si daacad ah ayaanan ugu shaqayn doonaa bulshada Gobolka maroodijeex.”

 

 

Xoghayaha Gobolka Maroodijeex Xamse Ciise Cabdi oo isaguna madashaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu tilmaamay inta degmo ee Gobolka Maroodijeex ka koobanyahay, waxaana uu balan qaaday in uu si fiican ula shaqayn doonaan guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodijeex, waxaanu yidhi “Gobolka Maroodijeex waxa uu ka kooban yahay toddoba degmo oo dibada ah iyo caasimada magaalada Hargeysa, shaqaale fiican ayaa ka shaqeeya xarunta gobolka, waxa kale oo Gobolka ka hawl gala cuqaal tiradoodu dhan tahay saddex boqol iyo sagaal iyo labaatan caaqil oo ku jira liiska mushaharka dawlada, waxaana aanu kuu ballan qaadaynaa guddoomiye in aanu kuula shaqayn doono sidii aanu ula shaqayn jirnay guddoomiyayaashii hore”

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka, wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyadarada iyo ciyaaraha iyo Maayar ku xigeenka magaalada Hargeysa, waxaana ay dhamaan tood uga mahad naqeen madaxweynaha Somaliland magacaabista guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ay ku tilmaameen in uu yahay qof u qalma xilka loo magacaabay, waxaana ay kula dardaar meen in uu si daacad ag ugu shaqeeyo bulshada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply