Caadooyinka ugu Naxdinta Badan Dunida

0
309

Dalka Nepal ee ku yaalla Aasiya ayaa sannad kasta bisha August waxa lagu qabtaa caado aad u naxdin badan taasi oo ay isugu yimaadaan dadka degan Magaalada Khukana ee dalkaasi. Dadka magaaladan degan ayaa caado u leh isu soo bax caado  lagu magacaabo Deopokhar oo ah  inay neef Riya iyadoo nool hilibkeeda si aan naxariis lahayn loo googooyo iyagoo kala boobaya. Qof kastaaba wuxuu goosto ayay aaminsan yahiin inuu barako helayo iyagoo gacmaha iyo ilkahaba isticmaalaya. Caadadan oo neefkaasi Rida ahi ku jiro xaalad ciqaab nololeed ah ayaa dalkaasi ka soo bilaabantay muddo haatan laga joogo 900 oo sanno.

Hay’adaha xuquuqda xayawaanka ayaa isku deyday inay joojiyaan caadadan maskax xumida ah ee aan naxariista meelna kaga jirin, laakiin taasi weli may suuragelin madaama ay u tahay caado diimeed halaw ah. Rida iyadoo nool ayay ku tuuraan berkad biyood ka dibna loo kala dheereeyaa in hilibkeeda la jarjaro, waana Ri da’deedu tahay 5 bilood , qof kastaa badh ayuu goostaa ilaa ay dhimato Way qaylisaa.  laakiin yaa u naxariisanaya ?

 

Leave a Reply