Kulma: Magaalada Xabaalaha Ah!

0
312

Kulma waa magaalo aad u xasiloon oo ku taalla gobolka California ee dalka Maraykanka, waxaana lagu qiyaasay xabaalaha ku yaalla magaaladaasi hal Malyuun oo qabri. Qisada xabaalahan ayaa u noqonaysa mid xidhiidh la leh muddo ka badan 100 sanno.

Wakhtigaasi magaalada Kulma waxay ahayd oo keliya xabaalo, laakiin maanta waxa ku nool 1800 qof  oo ku ag nool in ka badan hal malyuun oo mayd ah. Waxaana Kulma ay tahay xabaalaha “San Francisco” taasi oo maalin walba lagu aaso dad gaadhaya 75 qof.

Kulma waa magaalada keliya ee dunida maanta loo diiwaan geliyay in dadka ku aasani ay ka badan yihiin kuwa ku dul nool.

 

Leave a Reply