Maxaa Sababa Hilaac Iyo Onkodka?

0
847

Hilaacu waa iftiin dhalaalaya oo si lama filaan ah uga dhex muuqda Samada, xili roobaadka. Waana iftiin ay sababaan isku dhaca laba daruurood oo koronto ahaan iska soo hor jeeda (Positoive and negative electric charge).  Isku dhaca awoodaasi leh ayay ka dhashaan dhimbiilo xoog badan oo inoogu muuqda si iftiin ah oo haddana isla markiiba qarsooma.

Iftiinkaasi ka dib ayaynu maqalnaa cod weyn oo samada ka dhacaya, kaasi oo isna loo yaqaano Onkod, waana codka ka dhasha isku dhaca daruuraha oo ah kan dhaliya iftiinka Hilaaca.  Waxay ahayd in aynu marka hore maqalo Onkodka, madaama uu yahay isku dhacii iftiinka hilaacu ka dhashay, laakiin waxa taasi sabab u ah iyadoo xawaaraha iftiinku uu ka dheereeyo kan codka. Sidaas darteed waxaynu arkaynaa iftiinka ka dhashay isku dhaca marka hore, laakiin codkii uu sameeyay isku dhacu wuu ka dambaynayaa, madaama xawaarihiisu ka gaabiyo.

Leave a Reply