Maxaad Ka Taqaanaa 10 Wadan Ee Ciidamadooda Ay Hablaha Ugu Quruxda Badani Ku Jiraan Caalamka?

0
302

4: Giriiga: ciidamada Dalka Giriiga ayaa qaybo badan oo kamid ahi ay yihiin ciidamo Dumar ah, iyada oo lagu qoro ciidamadaasi Durmarka markay da’doodu tahay 18 sanno jirka, waqtigaasi oo ay qaan gaadh tahay.

Inta hore waxay kusii shaqaysaa si Mutadawacnimo ah , taas oo keenta inay muddo ku shaqayso mutadawacnimadaasi, lamana mid aha dhanka Ciidamada raga , mararka qaarkoodna waabay iskaga tagaan oo shaqooyin kale ayay doontaan.

Dalkan ayaa kaalinta 4-aad ka galay dhanka Quruxda Dumarka, iyaga oo noqday mid kamid ah ciidamada ugu dumarka quruxda badan caalamka, marka loo eego wadamo kale oo iyagu ciidamada wadamo badan oo si rigli ah dumarka ciidamo ugu qaata.

5: Israel :Ciidamada Yuhuuda ayaa soo galay kaalinta shanaad, iyaga oo noqday wadanka Shanaad ee ugu ciidamada Quruxda badan dhanka Dumarka, waana wadanka ama ciidanka keliyaata ee si toosa dumarka loogu diro goobaha dagaalka .

Qaybo badan oo kamid ah dumarkaasi waa ciidamada Lugta , halka kuwo kalena ay joogaan goobaha laysku hor fadhiyo ee aagaga dagaalka kamidka ah, kuwaas oo marwalba diyaar u ah dagaalada inay ka qayb galaan.

Dumarka Yuhuudu waxay qabtaan markay da’ahaan gaadhaan ilaa 18 sanno jirka adeeg kasta oo ciidamada iyo dawlada dalkaasi ay u baahan tahay, taas oo macneheedu yahay in ciidamada Yuhuuda qaybo badan oo kamid ahi ay yihiin dumar, gaar ahaana tiro lagu sheegay 31% ,waxaanay saddex laab ka badan yihiin kuwa Ingiriiska.

6: Pakistan: dawlada Kaalinta lixaad gashay ayaa ah wadanka Pakistan, waxaanay noqotay dawlada keliyaata ee Islaam ah ciidamadeeda Dumarka ahi ay goobaha colaadaha iyo sidoo kalena goobaha hawlgalada ay joogaan ama tagaan.

Waxaanay bilawday inay qaadato ciidamo dumar ah sannadkii 1947 kii oo ahaa markii ay xornimada heshay , halka ay sannadkii 2006 kiina ciidamada wadankaasi ay ku biireen cutubyadii ugu horeeyey ee ciidamada cirka ka tirsan , kuwaas oo ah ciidamada ugu tabobarada adag ciidamada wadankaasi, gaar ahaana dhanka ugaadhsiga.

Ciidamada Badda ayaa noqday kuwa keliyaata ee aanay si toosa dumar ugu jirin, iyada oo ay jiraan kuwo diyaaradaha kexeeya oo keliyaata, kuwaas oo iyagu si rasmi ah uga tirsan ciidamada Cirka.

Lasoco……………………………………………

 

 

 

Leave a Reply