Wasiirka Daakhiliga oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Deegaanno Somaliland ka Tirsan oo Puntland Sheegtay

0
308

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxba kama jiraan ku sheegay war maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu ku sheegtay in uu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Badhan oo ay sheegatay Puntland in ay ka tirsan yihiin isla markaana ay ka fulisay gurmad cunto iyo biyo qaybin ah.

Waxa kaloo uu Wasiirku ka hadlay xaaladda abaarta oo uu tilmaamay  in ay ka sii darayso iyo doorasahada Madaxtooyada. Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu u warramayay wargeyska Dawan. “Horta qofku wuxuu doonaba wuu sheegan karaa, idaacadna wuu ka hadli karaa laakiin waxay xaqiiqadu tahay deegaannadaasi waa Somaliland ciidan booliis iyo millatari ahiba way noo joogaan  maamulkii degmaduna wuu joogaa. wax Puntland la yidhaahdo  oo ku suganina ma jiraan,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda abaarta iyo sida ay hadda tahay,waxa uu ku jawaabay,  “Abaartu way sii kululaanaysaa. waxaanay maraysaa meel adag oo xataa gobolladi lagu soo hayaamay ayay imika ka jirta oo ay soo gaadhay dadkuna dalka gudihiisa ayuu ku baro kacay oo gobol aanay hadda abaari ka jirini ma jirto. Markaa abaar baahsan ayaa jirta dadkuna xaalad adag ayay ku sugan yihiin ka xukuumad ahaanna gurmadkii waanu wadnaa laakiin xaaladda maanta taagani mid gurmad wax ka tari karo maaha. markaa waxaan leeyahay dadka tijaarta ah iyo inta ladan ee wax haysataba dadkiina soo gaadha oo wax tara.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay arrinta doorashada ayaa ku jawaabay. “Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE-ba waxay taagan yihiin xilligeeda in la qabto doorashada wax intaa ka badan oo illaa hadda Xukuumadda iyo KULMIYE uga qorshaysani ma jirto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply