Lacagaha Aan Dawladdu Masuul ka Ahayn Waa Faalso!

0
1215

Sanadkii 1971 ayaa dalka Faransiiska iyo dalal badan oo kale oo doller badani Bangiyadooda yaalay ka dalbadeen Maraykanka in uu ugu bedalo Dahab madaama ay alaabadoodii ku iibiyeen.  Maraykanka ayay u suurtageli weyday  wakhtigaasi inuu dahabkaasi ku bedelo,  isagoo isla markiiba ku dhawaaqay inuu  ka guuray nidaamki (Systemkii) lagu heshiiyay 1945 ee Bretton Woods System . Waxaana uu  cadeeyay inuu u guuray nidaamka Flexible Exchange Rate System (Heerka sarifka aan joogtada ahayn).

Nidaamkan aya ah in Bangiga dhexe ee dal kastaa daabacdo hadba baahida lacageed ee dalkaasi u qabo isla maraakana aan lagu salayn wax dahab ah. lacagta dalka qiimaheeduna waxay ku xidhan tahay hadba sida lacagta dalkaasi ay dalalka kale ugu baahdaan taasi oo ah in wax soo saarka dalka aad loo kordhiyo si badeecadaha la dhoofinayo u bataan isla markaana u yaraadaan baahida loo qabo badeecadaha iyo alaabooyinka kale ee debeda ay uga baahan yihiin. (Import and export) .

Nidaamkan heerka sarifka go’an ee lacagta (A fixed exchange rate ) aya ah mid dawlad kasta bangiga dhexe ee ay leedahay ku  jaangooyo qiima go’an ee lacagta dalka, isagoo u qiyaasaya lacag kale sida dolerka  ama qiyaaso kale sida dahab ama silver. Waana nidaam waxtar iyo waxyeelaba leh, waxaana inta badan loo isticmaala si ilaaliyo qiimaha lacagta oo saamigaasi ay wax ku jarayso ee la gooyay lala socdo si aanu u dhicin qiima koror ama qiima dhac. (Inflation, deflation ).

Nidaamkan waxa kale oo loo adeegsadaa si loo ilaaliyo isticmaalka lacagta. Haddii isticmaalkeedu yaraado oo dalka gudihiisa wax lagu kala iibsan waayo, waxa yaraana baahida loo qabo lacagtaasi taasi oo keenaysa in qiimaha bangigu u gooyaya uu is bedelo ama sixir barar yimaado. Baahida lacagta loo qabo ayuu baanka ku ilaalinaya heerkeeda. Nidamka heerka sarfka sugan (A fixed exchange rate) dawladda aya go’aaminaysa qiimaha ay lacagta lagu salaynaya iyadoo u eegayso dahab, silver ama lacag kale. Waana bangiga dhexe ee dalka kan leh masuuliydda qiima goynta lacagta dalka iyo inuu ku ilaaliyo qiimaha uu u gooyay. Bangiga dhexe wax kale oo uu daboolaa lacagaha qalaad ee looga baahan yahay dalka markay taasi fuliyaan.

Cashuurta dakhliga (Tax Revenu , Macaashka) ayaa iyana ah mid lagula dagaalmo sicir bararka laguna ilaaliyo qiimaha lacagta dalka. Marka  cashuurta la bixinayo maaha inay dawladu wado ku dhisayso, ama amaanka oo keliya ku sugayso ama ay ku daboolayso kharashaadka dalka waxaaba ka sii muhiimsan in cashuurtu ay kordhinayso isticmaalka lacagta dalka. Taasina waa arin muhiim u ah qiimaha sugan ee lacagta ee ay dawladda iyo bangiga dhexe u gooyeen, iyadoo baanka ay ku xeroonayso lacag badan, waa ta daboolaysa lacagaha baanka ka soo baxaya ee loo isticmaalyo mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada iyo kharshaadka kale ee dawladda.

Haddii shirkado ama dad kale oo ganacsato ahi ay samaystaan nidaam lacageed aan Baanka dhexe ee dalku saamayn iyo maamul ku lahayn waxay noqonayaan lacagahaasi haday noodh ama electronig ama nooc kaleba mid faalso ah oo bulshada waxyeelo ma yeelo aan waxtar u lahayn mar haddii aanay dawlada iyo Baankeeda dhexe  maamulkeeda lahayn.

 

Leave a Reply