Sareenka aya ah dalaga ugu muhiimsan raashinka dal kasta ee maanta caanka ka ah dunida guud ahaan, sidaas darteed dunida ayaa dalal badani beeraan Qamdiga kaasi oo kor u qaada dakhligooda maadama uu yahay raashin guud ahaan dunida laga isticmaalo.
Waxana uu sareenku ka mid yahay dalagayda sii kordhiya ee dunida raashin kala duwan laga sameeyo. Qamadiga wuxu hodan ku yahay Protein , bir carbohydrates waana raashin u wanaagsan koritaanka jidhka dadka.
Haddaba labadii sano ee u danbeyey ayay noqdeen dalalka cimaladoodu u badan tahay qabowga ee Midowga Yurub kuwa hogaaminayay beeritaanka iyo soo saarida Sareenka dunida lagu isticmaalay. Guud ahaan warbixin la soo saaray ayaa cadaysay inay dalalka Midowga Yurub beereen sareen dhan 157,663,000 Mton labdii sano ee u danbeeyay, kuwaasi oo ay dunida u iib geeyeen. Waxaana ka iibsaday dalal badan oo iyagu ka cimilo wanaagsan oo inay beeran oo ay cimilada dhulkooda ka faa’iidaysan awoodi waayay. Dalalka Midowga Yurub ayay qaarkood 3 bilood oo keliya sanadka wax beertaan halka kuwa ay ka iibiyeen ee awoodda beerashada kari wayay ay cimiladoodu u saamaxayso inay beertaan 12 bilood ee sanadkaba.