Musharax si lama filaana u Kasbanaya Taageero Badan

0
306

Musharaxa u janjeedha siyaasadda garabka dhexe ayaa durba gilgilay ololaha doorashada madaxtinimada Faransiiska ee dalkaasi  ka socota, waxaanu khudbadiisii ugu horraysay wacad ku maray inuu mideeyo qaranka oo uu xoojiyo xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Jarmalka.

Mar uu la hadlayey dad iskugu soo baxay magaalada bari ee Lyon, ayaa Emmanuel Macron wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu kordhinayo kharashka gaashaan dhigga lagu bixiyo.

Ninkan oo hore u ahaan jiray wasiirka dhaqaalaha mabaad’iidiisa siyaasadeedna ku salaysanaayeen hanaanka u adeegga bulshada ayaa sannadii hore xisbi u gaar ah furtay.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa tilmaantay in ay suurto gal noqon karto in isaga iyo siyaasiyadda midigta fog ee Marine Le Pen, oo iyaduna axaddii khudbad muhiima jeedisay ay iskugu soo bixi karaan wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada.

Xisbigeeda National Front (FN) ayaa magaalada Lyon ka bilaabay isku soo bax siyaasadeed oo laba maalmood soconaya si ay u shaaciyaan qorshahooda siyaasadeed, kaas oo ballan qaadaya in ay soo celin doonaa madaxbannaanidii Faransiiska ee dhinaca miisaaniyadda, xuduudaha, lacagta iyo sharciyada.

Hase ahaatee, xisbigu wuxuu ka noqday ballan qaad hore oo uu ku sheegay in ay soo celin doonaan ciqaabta dilka ah.

Shacabka Faransiisku waxay u dareeri doonaan cod bixinta 23 Abriil taas oo noqon doonta tartankii ugu adkaa ee siyaasadda dalka soo mara muddo tobaneeyo sano ah, waxaana tartanka xiiso u sii yeelaya in madaxweyne Francois Hollande-ka haatan talada hayaa go’aansaday in aanu mar labaad u tartamin xilka madaxtinimada.

Musharaxa xisbiga Republicans, Francois Fillon, oo markii hore loo arkayey inuu ugu cadcadyahay dadka tartamaya ayaa waxa ku soo baxay bishii hore eedaymo ah inuu afadiisa uga qoray baarlamaanka mushahar iyadoon ka shaqaynayn, arrintaasina waxay mugdi gelisay rajadiisii ifaysay.

 

Leave a Reply