Wasiir Mixile oo Waraaqahii Aqoonsiga ka Guddoomay Qunsul Cusub oo Turkigu u soo Magacaabay Hargeysa

0
286

Hargeysa(Dawan)-Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Maxile Boqore, ayaa shalay  waraaqahii aqoonsiga ka guddoomay qunsul cusub oo dawladda Turkigu u soo magacowday xafiiskooda Hargeysa.

Hadal kooban oo Prof. Maxamed Maxile kulankaas ka jeediyey ayuu ku sheegay inay qunsulka cusub ee Turkiga oo la yidhaahdo  Cali Noyan isku afgarteen nidaamka uu ula shaqeynayo Somaliland, waxaanu yidhi, “Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga sidaan u wada shaqeyn lahayn iyo siduu Somaliland ula shaqeyn lahaa Qunsulka Cusub ee Turkigu waan isla afgaranay, isaguna wuu ballanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.”

Qunsulka cusub ee Turkigu u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa Mr. Cali Noyan oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabistiisa Somaliland, waxaanu yidhi,“Waxaan noqday Qunsulka guud ee xafiiska Somaliland. Aad baan ugu faraxsanahay inaan la joogo walaaladay. Waxaan rajaynayaa inaan horumarino iskaashiga labada wadan.”

Kulanka oo goobjoog ka ahaayeen madaxda Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo saraakiil ka socday xafiiska Qunsuliyada Turkiga ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaaday. Qunsulka cusub ee dalka Turkigu u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa Mr. Cali Noyan ayaa bedeli doona Qunsulkii hore dalka Turkiga u fadhiyi jiray Mr. Muzzaffer Yuksel.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply