Xaaladda sicir-bararka iyo suuqa Madow

0
283

Waqtiga jiilaalka xumi taagan yahay waxa tusaale cad u ah, cirka oo noqda bilaa daruuro iyo midabka cirka oo buluuga khafiifka  ah aad ka arki karto min daraf ilaa daraf.  Sidoo kale cadceedda ayaa iyana aan yeelan awooddii kuleyl ee ay lahayd xagaagii oo dhan, geedahana dabeyl qabow oo aan wax sanqadha lahayn ayaa laamaha hadba gees u lusha illaa iyo intay ulo qallalan ka dhigeyso.

Waxaan uga socdaa gu’iyo jilaal wax laysku khaldi karo maahee, maxaa ka si ah guddiyada xidhiidhka ah ee mar walba loo saaro inay xal ka keenaan wax ka qabashada sicir-bararka ka dhashay qallooca galay maareynta iyo  nidaaminta ilaha dhaqaalaha ee dalka. Sida muuqata guddiyadani mar allaale marka loo diro bal inay talo ka keenaan sidii aafada sicir-bararka iyo qiima dhaca shillinka Somaliland wax looga qaban lahaa, ma abbaaraan, mana gaadhaan badweynta oo ah halkay dhibtu ka soo burqanaysay ee waxa ay ku werwereegaan oo innagu mashquuliyaan badda  xeebteeda.

Xannuunkan sicir-bararku, waa la mid xannuunada kale, haddaan si dhab ah loo daweyna, waxa uu faafaa si ka xawli [speed] badan cudurrada faafa oo weliba si ba’an  loogu riiqan karo shicib iyo dawladba. Markaan eego jahawareerka dhaqaale ee ka abuurmay qof jecleysi, daneysi, qabyaalad iyo kooxo isbahaystay oo u arkay in awoodda dhaqaale ee dalka  oo gacanta ay ku dhigaan u noqon karto hub siyaasadeed oo si dhib yar ugu gaadhaan xukunka dalka, shacbigiina intoodaa la kala safto, ayaan xusuustaa beyd.ka mida gebayadii halyeygii waddaniga ahaa ee Allah ha u naxariistee Abwaan Timacadde ee ahaa “Bal Inay  Dalfoof Tahay, Caqliga Dooni Laga Saaray, Wixii Hore u soo  Daashaday Degashanaysaaye……… Anuun baa  Damqanayee Dheguhu uma Daloolaane”

 

Waxaan uga socdaa, waar innagoon cidna garabka ku saarin reernimo, qaraabanimo, saaxiibnimo iyo dan gaar ahaaneed midna aan si gabbasho la’aan ah wixii dhibaato ku ah jiritaankeena qaranimo iyo danta guud ee innaga wada dhaxeysaba gees uga wada jeesano, si aan u wada difaacano danta qaranka, ta guud iyo teena gaar ahaaneed oo aan shaki ku jirin in qof kastaaba helayo haddaynu ta qaranka iyo ta danta guudba ka midowno.

Maaha wax la fahmi kari waayo halka uu sal ku leeyahay sicir-bararku iyo qiima dhaca shillinka Somaliland oo saddex xaaladood ayaa horeba  weligood u soo rifayey  nolosheena iyo kobaca dhaqaalahaba, waxayna kala yihiin:-

1.Wax soo saarkeenna iyo baahiyaheena aasaasiga ee dibedda aan ka keensano oo aan is dabooleyn.

  1. Waxyaabo aad iyo aad u badan oo aan ka mid ahayn baahiyaheena aasaasiga oo ugu horreeyaan kuwa dhaldhallaalka beenta sida kuwa laysku qurxiyo, gawaadhida xarragada ee xad dhaafka iwm.
  2. Jaadka oo marka la  barbardhigo  labada qodob ee sare innagaga dhib badan oo isna isagoo awalba dhabarka ka jebiyey dhaqaalaheena aan imikana ku soo iibsano lacagta adag ee soo gasha dalka.

Haddaba, inkastoo ay ka mid yihiin qodobada aan kor ku soo xusay kuwa la degay dhaqaalaheena, haddana marnaba xaaladdeena dhaqaale siday hadda u degtay hore ugumay degin, iyadoo aynu dhaqaale ahaan si aad ah uga sii hooseynay heerka aan joogno maanta ee bal haddaba inta  aan sal-fudeydka  iska dhaafno aan si dhab ah u dhuuxno oo u lafa-gurno halkay sartu ka qudhuntay.

Haddaan isyeelyeel, indho ka qarsi iyo arrimo kale jirin, waxay ila tahay inay cadahay oo si ka cad sida dharaarta u muuqato. Tusaale yar oo kooban oo cid kasta oo caqli leh fahmi karto, waxa ay tahay in wixii lacag adag ah ee soo gala dalka si kasta ha ku soo gashee, ay dhammaanteed ku dhacdo khasnadaha  shirkadaha  isgaadhsiinta oo ay Telesom ugu awood badan tahay isticmaalka adeegga loo bixiyey Zaadka iyo ka E-dahab ee Shirkadda Somtel, lacagtii caddaanka [Cash] aan ugu dhiibnayna, ay ku beddeleen lambarro u dhigma lacagta aad saxiisay oo ay ku shubaan Mobilkaaga.

Intaa wixii ka dembeeya maalin kasta waxa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland wax lagu kala iibsadaa oo ku dhex wareega lambarro, halkay suuqyada wax lagu kala iibsado iyo seyladaha sarrifkaba ku dhex wareegi lahayd lacagta doollarka ee tooska ugu  dhacda maalin kasta khasnadaha labadaa shirkadood, isla markaana aan dib loogu soo celin suuqyada. Tusaale kale, ka soo qaad inaan anigu NGO caalamiya madax ka ahay, waxaan qorsheeyey inaan qabto siminaar saddex cisho ah oo aan ugu talo galay kharash dhan $ 5000 [Shan kun oo USD] oo hawshaa lagu dhammeys tiro.

Lacagtaa shanta kun ee US dollarka waxaan la tagayaa markaaba Telesom oo ay dadku u badan yihiin haatan, gacantana ka gelinayaa lacagtii oo dhan, isla markaana ka dalbanayaa inay ku shubaan Mobilkayga. Ganacsade kasta iyo cid allaale ciddii kale ee wax ka sugaysay siminaarka, ayaan aniguba mid walba ugu shubayaa mobilkiisa, iyaguna ay sidoo kale suuqyada ayay la galayaan oo Mobilkooda  ugu shubayaan  tiro lambar oo u dhiganta lacagta ay suuqyada wax kaga iibsadeen. Ganacsadaha laf ahaantiisuna tirada lambar ee uu ku urursaday Mobilkiisa ayuu isna kusoo iibsanayaa hadba wixii la xidhiidha baahidiisa ganacsi.

Bal haddaba waayahee aaway wareeggii lacagta  adag ee caddaanka[cash] ahayd? Telesom seyladaha sarrifka ma gelisay shantii kun si ay u buuxiso kaalintii tirada shanta kun ee lambar ee ku wareegaya suuqyada? Xaggee la geeyey shantii kun ee aan dhiibay, ma Baanka Dhexe, ma Maaliyadda, mise khasnaddii Telesom ayey ku hadhay, illeyn aniga mashruucaygii Siminaarku mar hadduu iigu fulay  si dhib yar wax dembe oo aan ugu laabto Telesom ma jro, maadaama aan qaan baxay?

Waxba yaanan idin xiijine, haddaynu dawada sicirbararka iyo qiimaha hoos dhaca shillinkeena xal u doonayno, shirkadaha Isgaadhsiintu waa run oo hawlo badan oo culeys hore u ahaa way fududeeyeen, haseahaatee iyagu adeegga dhinaca isticmaalka Isgaadhsiinta ee Zaadka iyo E-dahabka ee dadka Milyanka ku dhaw isticmaalaan maalin kasta khidmada uga go’da ayey ku leeyihiin, lacagta adag ee ay qabtaana waa mid mas’uuliyaddeeda uu leeyahay Baanka Dhexe ee Qaranku, waayo waa isaga ka ay tahay inuu la socdo maalin kasta wareegga lacagaha tu adag iyo ta Somalilandba inuu la socdo dhaqdhaqaaqeeda. Baanka Dhexe iyo Shirkadahan waa inay isku xidhnaadaan oo uu  ogaado Baanku halkii Dollar ee ay cid ugu shubaanba, markaa ayey tahay iyana inay suuqa geliyaan hadba wixii lacag adag ahaa ama shillin Somalilandba ee ay shirkadaha aan soo xusay iyo ciddii kale ee qaabkooda oo kale u shaqeeyaa tirada lambar ee ay ku shubeen mobillada ee u dhiganta lacagta kaashka ee loo dhiibay ee beddelkeedii uga dhigeen lambaro wax lagu kala iibsado.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply