Bill Gates Oo Ka Digay Argagixiso Cusub Oo Uu Sheegay Inay Caalamka Kusoo Wajahan Tahay

0
291

Billionair-ka weyn ee Bill Gates ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay argagixiso cusub oo caalamka kusoo fool leh, taas oo uu sheegay inay si weyn u saamayn karto caalamka oo dhan.

Bill Gates ayaa u kala saaray argagixisadaasi laba , kuwaas oo uu ku tilmaamay dhaqaalaha caalamka oo xumaada iyo sidoo kalena hubka sida xun wax u gumaada ee Biology-ga ee wadamo badan oo caalamka ahi sida is daba jooga ah u samaysanayaan.

Waxaanu sheegay inay fududahay siday caalamka ugu fidaan, gacantana ugu galaan wadamo aan masuuliyadda hubkaas qaadi Karin, sidoo kalena si fudud u adeegsan kara, waxa kale oo uu sheegay in dhaqaalaha caalamka ee xumanayaa uu isaguna yahay mid keeni kara in wadamo badan iyo dad badani noqdaan kuwo iyagu isku jeesta.

Sidaasna waxa uu ku sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyey hordhaca shir uu dhowaan ku qabtay magalada Munich ee wadanka Jarmalka, taas oo ay qoraalkiisa markii dambe soo bandhigtay wargeyska Germany Today oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan .

Gates oo ka hadlaayey khudbadaasi ayaa sheegay in ay argagixisadan cusubi keeni karto in ay muddo yar ku dhintaan dad gaadhaaya ilaa 10,000 oo qof , kuwaas oo wadamo kala duwan  ku dhiman kara, loona baahan yahay in laga hor tago, waana buu yidhi dhaqaalaha oo xumaanaaya iyo hubka macno darada loo samaynaayo ee wadamada kala duwan isaga gudbaaya.

Sidoo kalena waxa uu sheegay in argagixisadaasi ta ku xigtaa ee khatarta badan caalamka ku haysaa ay tahay ta loo yaqaano Bioterrorism oo ah mid dhanka Technology-ga ah,  iyada oo la isu adeegsanaayo Virus yo kala duwan oo uu ugu khatarsan yahay ka loo yaqaano H5N1, Kaas oo ah mid u fidaaya sida duraygii Shimibaraha oo kale.

Ugu dambayna Bill Gates ayaa usoo jeediyey dawladaha Caalamka in wax laga qabto saddexdaasi arrin oo ay ugu horeyso Hubka sida fudud loo samaysanaayo , ay ku xigto dhaqaalaha aan deganayn ee wejiyada badan yeelanaaya iyo ta saddexaad oo ah Bioterrorism ka dhanka Technology-ga .

 

 

Leave a Reply