Shuuciyadu Dhib Ayay Dunida ku Keentay?

0
579

Carl Marks waxa lagu tiriyaa dadka ugu cadcad arimaha bulshada , waana nin asalkiisu Yuhuudi yahay. Marks waa ninka asaasay nidaamka Hantiwadaagga kaasi oo maanta afkaartiisu dunida ka dabar go’aday. Waxaana uu aamisanaa  in nidaamka hantiwadaagu yahay dawada saxda ah ee lagaga bogsan karo nidaamka keli noolaanshaha ee hantigoosadka ah.

Fikradahaasi Carl Marks, waxay rogeen oo baabiyeen sanadkii 1991 , dawladii ugu weynayd ee Midowgii sofiyeet ka dib markii nidaamka Hantiwadaaga ay dadkeeda iyo dalal kale oo dunida ahi ay aad u necbaysten.  Kitaabka uu qoray Sayid Qudub 1965 ayuu ku cadeeyay in nidaamka Hantiwadaagu burburi doono maadaama uu ka hor imanayo nolosha bulshada, dunidana dhib ku hayo.  Wargeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo lagu maacaabo Indiana Express ayaa daabacay sanadkii 1990 bishii June 2, inuu Hantiwadaagii Marks dejiyay uu khalad weyn ka galay bulshada caalamka isla markaan aanu sii jiri Karin muddo badan.

 

Leave a Reply