Markii uu Faransiisku olalaha ugu jiray inuu qabsado Masar waxay go’aamiyeen sandkii 1798 in la qodo gacan biyood isku xidha badda Mediterraneanka iyo badda cad ee Suways Kanal ( Red sea and Mediterranean sea). Waxaana uu u yeedhay hogaamiyihii caanka noqday ee Farans Mr. Napoleon koox farsamo yaqaano ah (Engineers) oo uu hogaamiyay Eng. Lopear.
Markii ay arinkaasi guda galeen kooxdaasi waxa Eng. Lopear sheegay in aanay suurtagal ahayn in la qodo gacankaasi isagoo sabab uga dhigay in heerka biyaha badda cas uu ka sarreeyo kan badan dhexe , taasina ay keeni doonto haddii la qodo in Masara ay noqon doonto meel baab’ada oo uu ku qarqanta biyaha baddaasi oo ku soo jabaya.
Muddo 60 sanno ah ayaa fikiradaasi la aaminsanaa, sanadakii 1854 Eng. de Lesseps ayaa cadeeyay in la samayn karo gacankaasi. Qoditaanka Suwayska Kanal ayaa la bilaabay sandkii 1859 waxaana uu dhismihiisu socday 10 sano isagoo dhamaaday 1869. Dhererkiisa ayaa ah 193 km. Qoditaankii gacanka waxa ka qayb qaatay hal malyuun oo qof oo Masaari ah. Haddaba wax kasta oo la sheego maah kuwo run ah.