Abaalmarinta caanka ah ee loo yaqaan Nobel Prize ee nabadda lagu bixiyo waxa asaasay ninka loo yaqaanay Alferd Nobel sanadkii 1888. Sababta uu u sameeyay abaal marinta ayaa ka danbaysay ka dib markii u dhintay wiil ay walaalo yihiin. Dhimashada walaalkii ayuu wargeys ku yaalla dalka Faransiiska u qaatay inuu dhintay isaga laftiisu waxaana uu cinwaanka ka dhigay “ Ninkii Geerida ka Taajiray oo dhintay “. Wargeysa ayaa ku dhaleecaynayay madaama uu ahaa ninka curiyay Miinada halista dunida ku haysa. Fikradaasi oo uu dhaqaale badan ku helay.
Nobel markuu akhriyay wararka xun iyo sida ay dadku u xusuusan doonan ka dib dhimashadiisa ayuu bedelay wixii laga aaminsanaa, waxaana u go’aansaday in hantidii uu ka helay Curinta Miinada ku maalgeliyo samaynta aabaal marinta Nobel Prize.
Xaqiiqdii sidii uu doonayay wuu helay maanta dunidu uma taqaan nin belaayo curiyay laakiin waxa loo yaqaan nin hantidiisa ku bixiyay nabadda dunida.