Hargaysa(Dawan) Saddexda Saxafi ee kala ah Ikraan Siciid Diiriye , Warda-sagal Axmed Rooble iyo Samsam Cabdilaahi Cismaan, ayaa sheegay in ay garaaceen isla markaana ay aflagaado u gaysteen ciidanka booliska ee saldhiga Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Wariye Ikraan Siciid Diiriye oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijisay in ciidanka saldhiga Maxamed Mooge, ay nabaro gaadhsiiyeen Wariye Samsam Cabdilaahi Cismaan oo ka tirsan warbaahinta madax banaan ee ka hawl gasha Somnews.
Ikraan Siciid Diiriye ayaa wargeyska Dawan ugu warantay sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay ciidanka saldhiga Maxamed Mooge ugu xad-gudbeen iyada oo arrintaa ka hadlaysay waxay tidhi “Salaadii casar ee maanta (shalay), marka ay ahayd ayaanu tagnay saldhiga Maxamed Mooge, annaga oo soo booqanay wariye Warda-sagal walaalkeed oo halkaa ku xidhan, waxa aan marnay nidaamka booqasho ee saldhigyadda , waxa ay baadheen cuntadii iyo sharaabkii aanu sidaynay, waxa ay naga qaadeen telefanadii gacanta. markii aanu intaa wada marnay ayaa la noo fasaxay in aanu u tagno Maxbuuska. balse intii aanaan gaadhin ayaa waxaa naga hor yimid nin askari ah waxaanu na waydiiyey halkaa u soco. annaguna waan ugu jawaabnay waxa uu qaaday bacdii aanu cunta sharaabka ku sidnay ka dibna waxa uu daadiyey sharaabkii iyo cuntadii aanu sidanay markii aanu waydinay sababta uu u daadiyey waxa uu noogu jawaabay afgalaado dabadeedna gacan ayaanu noo qaaday isaga iyo askartii kale marka laga reebo askarigii kedinka fadhiyey.”
Wariye Ikraan Siciid oo aan wax ka waydinay in ay jiraan wax nabarro muuqdo ah oo soo gaadhay, waxay tidhi “Samsam ayey gaadhsiiyeen dhaawac muuqda oo gacanta ah sida oo kale garaacistii ay nagu wadeen waxa uu nabar ka soo gaadhay kelida. annaga waxay ay noo gaysteen jug hoose oo jidhka oo dhan ayaa na damqanayaa.”
Dhinaca kale, waxaanu dhacdadan wax ka weydiinay Taliyaha Saldhiga Maxamed Mooge Mr: Maxamed Faarax Muuse .
Taliye maxamed ayaa iska fogeeyey eedaha ay usoo jeediyeen hablaha saxafiyiinta ah waxaana uu sheegay in aanay jirin wax jidh dil iyo aflagaado ah oo ay kula kaceen saddexda hablood ee suxufiyiinta ah.
“Ma jiro wax jidh dil iyo aflagaado ah oo aanu u gaysanayn hablaahaas iyaga caddeyn doona nabarrada iyo jidh dilka ay sheegayaan in ciidanka saldhigu ku dhuftay. waxay siteen sharaabka daasadaha ah oo saldhigyada mamnuuc ka ah markii lagu yidhi sharaabka bac ku soo shubta ayey diideen markii la yidhi ha la idinka reebo ayey buuq sameeyeen,”ayuu yidhi Taliyuhu.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Markaa masjidka oo saldhiga ku dhex yaal ayaan ka soo baxay oo kabaha ayaan ku xidhnaayey laba talaabo ayey isku jiraan qolka ay wax ka dhaceen iyo masaajidka waxa ay kab la dhaceeyeen askarigii baadhayey alaabta ay sideen.”
Dawannews Hargeysa office