Hindiya ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay ku guulaysatay inay hal howlgal hawada ugu dirto 104 dayaxgacmeed, iyadoo sidaana uga saramartay rikoodhkii hore ee uu Ruushka dhigay 2014-kii markaa oo uu hal mar hawada sare u diray 37 dayaxgacmeed.
Saddex ma ogiyee dhammaan dayaxacmeedyada kale ayaa waxaa laga leeyahay wadama shisheeye, oo intooda badana waxaa iska leh Mareykanka.
Howlgalka ayaa ka dhacay xarunta laga hago dayaxgacmeedyada ee bariga Hindiya.
Dadka u kuurgala arrimahan ayaa sheegaya in tani ay astaan u tahay in Hindiya ay kaalin weyn ka ciyaarayso suuqa balaayiinta doolar ku fadhiya ee hawada sare.
“Xilli weyn oo wanaagsan ayey u tahay qofkasta oo inaga mid ah. Maanta waxaannu sameynay taariikh,” waxaa hadalkan ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Agaasimaha mashruucaasi B Jayakumar.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u hambalyeeya saynisyahanada
Mareykanka ayaa iska leh 96 ka mid ah 104 dayaxgacmeed ee yaryar, halka wadammada kale ee ajaanibta ah ee dayaxgacmeedyada ku lahaa howgalkanna ay kala yihiin Israa’iil, Kazakhstan, Imaaraatka Carabta, Switzerland iyo Netherlands.
.
Kalmadda “rikoodh caalami ah” ayaa subaxii Arbacada noqotay hadalheynta ugu badan ee barta Twitter-ka ay ku wadaagayaan dadka ku nool Hindiya.
Inta badan dayaxgacmeedyadan ayaa leh awood ay sawir dhulka kaga soo qaadi karaan waxaana iska leh shirkadda Mareykanka ee Planet.
Dayaxgacmeed Hindiya ay leedahay oo la rumaysan yahay inuu qaadi karo sawiro taya leh ayaa sidoo kale ka mid ah dayaxgacmeedyada hawada loo diray.
Dowladda Hindiya ayaa sanadkan kordhisay miisaaniyadda mashruuca xarunta laga hago dayaxgacmeedyada sidoo kalana waxa ay ku dhawaaqday qorshe ay howlgal ugu dirayso Venus.
Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Hindiya ayaa dowr muhiim ah ka ciyaaraysay suuqa ay lacagaha badan ku baxaan ee hawada sare iyadoo qiimo hooseeyo ku bixisa adeegyadeeda.