Hargeysa (Dawan)- “Somaliland waxa ay Mareykanka ka dalbatay in laga saaro amarka xayiraada socdaalka la xidhiidha ee uu Madaxweyne Trump ku soo rogey inaanay muddo soo geli karin Mareykanka dadka u dhashay toddoba dal oo muslimku ku badan yahay,”ayaa lagu bilaabay mareegta Telefishanka Fox news ka qorey dhambaal codsi ah oo ku wajahan dalabka Somaliland oo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire isniintii todobaadkan u kala diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mr. Rex Tillerson, xoghay nabad-galiyada gudaha Mr. John Kelly, oo uu ka codsaday in xoriyiraadaas laga saaro Somaliland.
Qoraalkaa oo wargeyska Dawan soo turjumey waxa lagu yidhi “Soomaaliya waa mid ka mida dalalka ay sameysay xariyaadani, hase ahaatee, Somaliland waxa ay isu dhigtaa qaran madax-bannaan ka dib markii ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, waxaanay madax-bannaanideeda u raadinaysaa aqoonsi caalami ah.” Qoraalkan Wasiirka Kharajiga Jamhuuriyada Somaliland waxa lagu sheegay inaanay Somaliland ka jirin ururo argagixiso. Islamarkaana Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya oo hoy u ah kooxda xag jirka ah ee Al-shabaab, oo ka fulisa weeraro khasaare ballaadhan sababa.”
Geesta kale qoraalka Wasiirka oo aanu helay nuqul ka mid ah, waxa lagu sheegay in qaraarka madaxweyne Donald Trump uu soo saaray 27-kii January 2017 ee xayiraada socdaalka ay caqabad ku tahay dadka reer Somaliland ee doonaya inay Mareykanka u tagaan inay qoysaskooda booqdaan,sidoo kalena u tagaan aqoon korodhsi ama ganacsi u dhaxeeya labada dal.Wasiir Sacad Cali Shire waxa kale oo uu tafaasil ka bixiyay farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inaanu socdaal ka dhicin weerar argagixiso wixii ka danbeeyay Octobar 2008-dii isla markaana ay dawlad ahaan dhisteen ciidan adag oo ku filan sugida amaanka. Wasiirku waxa uu ku dooday in Somaliland ay tahay qaran buuxiyay dhammaan shuruudihi looga baahna qaran jira.
Dawannews Hargeysa office