Xagee Ayay ka soo Jeedaa Maalinta Jacaylka?

0
334

Maalinta Jacaylka ama ciidda jacaylka waa maalinta la xuso baadariga Saint Valentine, waana munaasabad ay sameeyaan dadka aaminsan diinta kiristaanka maalinta bisha February 14-ka tahay sanad kasta,  marka kiniisadda galbeedka la raacayo, laakiin kiniisadaha Bariga waxay Baadariga Saint valentine xusaan bisha Julay 6.  Iyagoo ku soo dhowaynaya jacayl iyo caadifada xad dhaaf ah. Waxayna ku muujiyaan jacaylkaasi iyagooo isu dira kaadhadh salaamo ah iyo ubaxayo sidaas darteed waxa xoogaystay suuqa ganacsiga iyagoo macaash badana hela.

Munaasabada maalinta jacaylka waxay xambaarsan tahay magacyada laba shakhsi oo isku magac ahaa oo labadaba la odhan jiray Valentine sida ay aaminsan yihiin Masiixiyiintu. Kuwaasi oo ay rumaysan yihiin inay ahaayeen laba nin oo u shahiiday diinta Kiristaanka markii ay soo baxday. Sidaas darteed ayay maalintani u tahay mid ku xidhan rumaynta iyo fikirka jacayl xeel dheer oo diinta Kiristaanka iyo dadka aaminsan ah.  Maalintaasi ayay hambalayda ay isu gudbinayana dadka Misiixiyiintu ayaa ah “Happy Valentine’s day” Farxadda Maalinta Valentine.

 

Leave a Reply