Ciidamada dalka Ciraaq ayaa galay xaafad ka mid ah dhanka Galbeedka ee magaalada Mosul. Waana markii ugu horreysay ee ciidamada Ciraay ay halkaasi gaadhaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka.
Daacish ayaa magaalada weyne ee Mosul qabsatay shan sanno ka hor. Dullaanka lagu wajahayo Galbeedka magaaladaasi wuxuu imaanayaa maalin ka dib markii ciidamadu ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Mosul.
Ciidamada oo markii hore ku soo dagaallamayay dhul howd ah ama bannaan, hadda waxay galayaan dagaal culus oo ka dhaca dhismayaal dhexdooda oo ku yaala Galbeedka Mosul, waxaana ku nool kumannaan qof.
Dagaalyahannada Daacish waxay hadda isugu tageen Galbeedka Magaalada ka dib markii bishii la soo dhaafay laga qabsaday dhanka Bariga ee magaaladaas. Ciidamada Ciraaq waxay qaadayaan duqeyn aad u culus oo ay la eeganayaan meelaha ay daacish ku xoog badan tahay.
“Halkani waa meesha uu ka billaabanayo dagaalka dhabta ah”, ayuu yidhi sarkaalka hogaaminayo dagaalka oo BBC-da la hadlay.
Weriyaha BBC-da, Quentin Sommerville, oo ciidamada la socda wuxuu sheegay in askar yar ay galeen xaafadda dagaal culusna ay la kulmeen. Waxay meesha la galeen gawaadhida aan xabaddu karin iyo taangiyo xilli iska caabin culus ay la kulmayeen.
Wuxuu sheegay in marxaladdan cusub ay aad u adkaan doonto, maadaama lagu hardamayo jidad cidhiidhi ah, dad aad u badanna ay ku nool yihiin.
Meelaha lagu dagaallamayo waxaa ka mid ah xaafado si weyn looga taageero Daacish. Waxaa horey Galbeedka Mosul loogu daadiyay warqado digniin ah oo shacabka loogu sheegay in dagaal culus lagu qaadayo galbeedka.
Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay xaaladda shacabka ku go’doonsan Mosul. UN waxay sheegtay inay aaminsan tahay in 800 oo kun oo qof ay ku nool yihiin Galbeedka Mosul.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Islaamka oo lagu magacaabo Abu Khaled al-Cambodi, loona haystay in uu dhintay ayaa la sheegay in uu wali ku noolyahay gudaha dalka Ciraaq. Ninkaasi oo la sheegay in uu u dhashay dalka Australia.
Dawladda Australia ayaa sheegtay bishii May in uu geeriyooday Neil Prakash, oo ahaa nin sare oo dadka u qora kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxay intaas ku dareen in uu ku dhintay weerar dhanka cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.
Wakhtigaas iyada ah xeer ilaaliyaha guud ee Australia ayaa sheegay in Neil uu ku geeriyooday magaalada Mosul.
Laakiin wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa hadda ku waramaya in Prakash uu wali nool yahay. Warbaahinta Australian Broadcasting Corporation-na waxay baahisay in Prakash uu isagu isu soo dhiibay xukuumadda Turkiga todobaadyo ka hor.
Michael Keenan, oo ah wasiir Ra’iisul wasaaraha Australia ka caawiya ladagaalanka argagixisada ayaa sheegay in aanu ka hadlaynin arrimo sirdoon la xiriira.