Guddoomiyaha UCID oo Cadow ku Sifeeyay Dadka la Mudahaaradaya Soomaaliya

0
259

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha  ahna Murrashaxa  Madaxweynaha ee xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa ku baaqay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka Somaliland u dhashay ee taageersan una ololeeya mabda’a Soomaali-wayn.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo  uu soo dhaweeyey heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka Carabta iyo saldhigga Millatari ee laga hirgelinayo magaalada Berbera, waxaanu iftiimiyay muhiimada uu leeyahay xidhiidhka ka dhexeeya Imaraatka Carabta iyo Somaliland.

 

“Wixii wanaag ah ee la sameeyo waa in laysku taageeraa, waxa aynu nahay waddan yar oo faqiir ah. laynama ictiraafsana oo saaxiib ma lihin , waxaa innoo saaxiib ah Jabuuti iyo Itoobiya, iyaguna waa wadamo yaryar oo is caawinaya, waxa aynu u baahanahay waddan xoolo leh oo magac leh Illaahay wuxuu innoo keenay waddanka muslimka ah ee Imaaradka Carabta, markaa haddii ay waddankeenna inoo horumarinayaan ma aha in aynu ku qaylino, waayo Maraykaynku wuxuu la yaabay sida ay wax u dhisteen waddanka Imaraadku,”ayuu yidhi Faysal oo shalay ka hadlayay xaflad jaaliyadda Somaliland ay u samaysay wefti ka socday xukuumadda oo heshiiskii kama damabaysta ahaa la soo gelayay shirkadda dekadda casriyaynaysa ee DP World oo laga leeyahay imaaraatka carabta.

 

Guddoomiyuhu waxa kaloo cadow ku sifeeyay dadka taageersan ee u ololeeya dawladda  Xamar, waxaannu yidhi; “Kuwa wala-weynta la soo mudaharaadaya haddii aan dalka qabto soo geli maayaan, qofka jiritaankaaga diidan ma aha Mucaarad ee waa cadow, Soomaaliya waxa ay ina badeen waxay ina bareen ayaa ka daran.”

Ugu danbayntii Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa rajo fiican ka muujiyey Wadahadalka nabadeed ee u socda Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo isaga oo arrinta ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Khaatumo Illaahay ha daayee waa dad fiican, waa dadkeennii, mashruuca Khaatumo Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa bilaabay, annagu guddi ayaanu ahayn Madaxtooyadu haddii aanay daacad ka ahayn may socoteen, hada meel fiican ayuu noo marayaa waxaanu kulanay garaadka ee Buhoodle iyo Sool Gaarad Jaamac Garaad Cali oo arrinta nala wada, Dr. Cali Khaliifna hawsha daacad ayuu ka yahay waxaan rajaynayaa in aan ku soo af jarno Sanaag bari.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply