Warbixin Sheegtay Dambiyo Dagaal oo Ka Dhacay Xalab

0
393

Dhinacyada isku haya maamulka magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa galay dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub oo Jamciyadda qurumaha ka dhaxeysa ay shalay  soo saartay.

Warbixintii ugu dambeysay QM ee dagaalka lixda sano ka socda dalka Suuriya ayaa sheegtay in duqeynta dhinaca cirka ah oo ciidamada Suuriya a ay ku dileen 14 qof oo shaqaale gargaar ahaa, iyo hakinta gargaarka bani’ aadannimo ay qeyb ka ahaayeen dambiyada dagaal ee laga gaystay Xalab.

QM waxa ay sheegtay in ciidamada Suuriya  iyo kuwa Ruuushka ay si joogto ah oo aan kala sooc lahayn ay gantaalaha kalastarka ugu duqeynayeen qeybta bari ee magaalada Xalab oo mucaaradka ay haystaan intii u dhaxeysay bilihii Julay iyo Desember ee sanadkii tagey.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay halkaas, isbitaalana waa lagu burburiyey, taasi oo dambiyo dagaal dhalisay, sida ay warbixintu xustay.

Dhinaca kale, warbixintu waxa ay sheegtay in kooxaha mucaaradka ay dileen islamarkaana dhaawaceen tobaneeyo qof, markii ay hoobiyeyaal ku garaaceen qeybta galbeed ee magaalada oo dowladda Suuriya ay maamusho.

Kooxahan ayaa sidoo kale u diiday dadka rayidka ah inay ka baxaan bariga magaalada Xalab, waxayna ka dhigtaan gabbaad ay xabadda isagaa dhigaan, taasi oo ay sii dheertahay inay weerareen xaafadaha Kurdish-ka, sida warbixinta shaacisay.

Dhammaan ficiladdaas ayaa ah dambiyo dagaal, ayey tidhi warbixinta QM.

 

 

 

Leave a Reply