Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Loo Dhisayo Dhisme Laba Dabaq ah

0
427

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Shariif Abokor Maxamed Dhuuxyare, ayaa shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonaan guddida qandaraasyada qaranku oo ka kooban laba dabaq.

Munaasibad shalay lagu qabtay xarunta guddida qandaraasyada oee magaalada Hargaysa oo loogu talogalay dhagax-dhigga dhismahan cusub, ayaa waxa ka soo qaybgalay xubnaha guddida qandaraasyada qaranka, guddoomiyaha shirkadda Albaraka oo fulinaysa dhismahan iyo  masuuliyiin ka tirsan laamaha kala duwan ee dawladda iyo marti sharaf kale.

“Gurigan loo dhisayo guddida qandaraasyada qaranka maaha gurigii koowaad ee ay dhisto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kii boqolaad ayuu noqon karaa, guddida qandaraasyada qaranku dhismayaashii hore loo dhisay waa maamushay duruufaha jira ayaa la qiimeeyaa, wixii qandaraas galayna qandaraas ayuu galay, dhismaha gurigan waxa maalin dhawayd lagaga hadlayay in aan qandaraas la galin, wakhtiga uu soo baxay ee la ogolaaday in dhismahan la dhiso ee wasaarada maaliyada uu ka soo baxay, iyadoo wasaarada Maaliyada qandaraasyada waxay  ku sii daysaa duruufta dhaqaale ee ay hayso waxaana ay sii daysay lacagta lagu dhisayo dhismahan 23-kii bishii December ee sannadkii hore. markaa toddoba cisho oo ka hadhsan sannadkii dhammaaday way adag tahay in la baahiyo oo lagu soo tartamo dhismahan sidaa daraadeed ayaanu tixgalinay shirkadda Al-baraka oo faylkeedu hore u yaalay, sidaas ayaanay ku qaadatay in dhismahan ay dhisto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida qandaraasyaddu.

 

Guddoomiyaha shirkadda dhismaha ee Al-baraka, Eng. Cali Cumar Ismaaciil, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu ku amaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhismeyaasha dawladda ee ay hirgalisay, waxaana uu tilmaamay in aanu ahayn dhismahan guddida qandaraasyada qaranku kii ugu horreeyay ee ay dhisaan, waxaannu yidhi; “Gurigii noogu horreeyay ee dawladu leedahay ee aanu dhisno maaha, waana gurigii tobnaad, gurigan guddida qandaraasyada ee gacanta ku haynaa.

Waxa kaloo  aanu dhammaystirnay dhismeyaal loo dhisay wasaaradaha warfaafinta iyo khayraadka biyaha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply