Dagaalka Farmaajo Kula Jiro Somaliland oo Sababay in Danjiraha UAE ka Baxo Muqdisho

0
322

Abu Dhabi(Dawan)- Dagaalka siyaasadeed ee xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay kula jirto dawladnimada Somaliland, ayaa sababay in dalka Imaaraadka Carabtu uu u yeedho Safiirkooda u fadhiya magaalada Muqdisho, Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa tan iyo intii la doortay ku hawlanaa dagaal siyaasadeed oo uu kaga soo horjeedo qaranimadda  Somaliland, kaas oo ku saabsan sidii uu u fashilin lahaa hirgelinta saldhigga Millatari xukuumadda Somaliland ay Imaaraadka carabta ugu oggolaatay inay saldhig millatari ka sameysato madaarka magaalada xeebeedda Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa todobaadkii hore socdaal ku tagey dalka Sacuudi Arabiya, isaga oo masuuliyiinta dalkaasi ka codsaday in dawladda Imaaraadka Carabta lagu qanicyo joojinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Imaaraadku ay ka fulinayo gudaha Somaliland, isla markaana ay ka noqoto heshiisyadaa ay la gashay xukuumadda Somaliland gaar ahaan ka saldhigga Millatari.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ku adkaysanaysa fulinta heshiisyada kala duwan ee ay la gashay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland,  iyada oo aaminsan in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka taliso  aayaheeda iyo masiirkeeda. Waxaanay wasaaradda arrimaha dibada ee dawladda Imaaraadka carabtu magaalada Muqdisho kala baxday  safiirkeedii u fadhiyay  Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi oo la xaqiijiyay in wasaaradda Khaarajiga Imaaraadku ay wada tashi ugu yeedheen oo uu Sabtidii kaga baxay Muqdisho.

Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore sheegtay ina y ka war-hayaan jallaafooyinka dawladda Soomaaliya ay doonayso in ay u dhigto heshiisyada horumarineed ee dawladda Imaaraadka Carabtu la gashay Somaliland.

dawladda Somaliland waxay sheegtay in shirqoolada  Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo guul-daraysta waxaanay uga digtay Soomaaliya in ay joojiso faro-gelinta ay ku hayso Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply