Xildhibaan u Soo Jeediyay Madaxweynaha inuu Magaalooyinka Dalka u Magacaabo Maayarro

0
332

Burco (Dawan)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Burco, xarunta Gobolka Togdheer, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu maayirro iyo ku-xigeenno u magacaabo magaalooyinka waaweyn ee dalka marka uu dhammaado muddo-xileedka goleyaasha degaannada oo ku eg bisha November ee sannadkan.

Md. Bidhi waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka toddobaadlaha ah ee Geeddiga Wadaay oo ka baxa telefishanka madaxbannaan ee True Cable Tv Isniintii toddobaadkan.

“Hadda waxa ka hadhay muddo-xileedkayagii nala doortay wax yar oo November 2017 ayey dhammaanaysaa, aniguna shaqsiyan ma jecli inaan maalin ku darsado, madaxweynahana waxaan u soo jeedin lahaa marka muddo-xileedku naga dhammaado iyadoo dastuurku dhigayo in gole degaan uu beddeli karo gole degaan, haddana in iyada oo la eegayo duruufaha iyo abaaraha waddanka ka jira in laga soo saaro maayirro iyo maayir-ku-xigeenno madaxweynuhu soo doorto, si dhaqaalaha iyo mushaharka ay qaadanayaan goleyaasha degaanku  waddanka u galo, waxaanan jecelahay in kursiga aan fadhiyo maanta cid kale fadhiisato oo leygu beddelo, haddii aan ka tago xildhibaannimadana anigu dadkeyga sidii uun baan ugu shaqeynayaa,” ayuu yidhi Mubaarig Yuusuf Cilmi.

Waxa kaloo xildhibaanku ka hadlay xaaladda nololeed ee carruurta derbi-jiifka ah ee magaalada Burco oo uu u kireeyey hoy lagu xannaaneeyo, “Dalka markii aan immi waxaan magaalada Burco  ka hirgaliyey xarun lagu xannaaneeyo carruurta, waxaanan uga kireeyey gurigaas, qalabeyntiisana waxa qayb muhiima ka qaatay dadka qurbo-joogta ah, waxaanuna ku bilowney 27 carruur darbi-jiifa, waxana ilaa hadda gacanta ku haysa xukuumadda Somaliland, carruurta imminka deganna waa ilaa  30, haddana waxa aannu  wadnaa sidii aannu qalab dhinaca farsamada gacanta ah uga soo kordhin lahayn goobta ay deggan yihiin, si wax loogu baro, maalmaha Khamiista iyo Jimcahana waannu fasaxnaa, ciddii aan waalid laheyna annaga ayaa cid ku darna ay la noolaadaan oo korisa,”ayuu yidhi Xildhibaanku waxaanu aad ugu mahadceliyay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo uu xusay inay gacan weyn siiso xaruntan. Waxa kaloo uu ammaanay kaalinteeda dhinaca samofalka ee ay xaruntan ku leedahay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

 

“Waxaan u helay darb-ijiifkii markii aan dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 2010-kii in aannu soo ururinno oo gurigaasi isugu keenno, qalabkooda iyo wixii hu’ u ahna loogu diyaariyo, duruufo badan ayaana naga horyimi intii aannu wadnay hawshaas, waayo sagaal jirka iyo 13 jirka oo kale meel leysuguma keeni karo, markaa goobta inta timaad iyo inta deggani waa ay is le’eg yihiin, waanuna  diiwaangalinay, sidaas ayaanuna ku wadnaa, noloshaa adag ee ay ka soo baxeenna si aanay dib ugu noqonna waxaannu barnaa oo kow ka ah qur’aanka kariimka iyo waliba waxyaabaha kale ee aasaaska iyo udub-dhexaadka u ah waxbarashada iyo aqoonta qofka,” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi).

Xildhibaanku waxa barnaamijkaasi kaga sheekeeyay taariikh nololeedkiisii iyo inuu ahaa dhallinyaradii ku biirtay halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM horseedka ka ahayd oo uu ka raacday 27-kii May 1988-kii maalintii ay Burco soo galeen oo uu ahaa ninkii calankii SNM ka taagay magaaladaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply