Shaybaadh La’aanta Hay’adda Ilaalinta Tayada oo Dhibaato ku Haysa Bulshada

0
393

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada agabka Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo), ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay haystaan xeerkii sharci ee ay hay’adiisu  ku shaqayn lahayd, balse aanay haysan qalabkii iyo shaybaadhkii qaran  lagu baadhi lahaa tayada cuntada iyo dawada dalka uga soo degta dibadda.

 

 

Cali Maxamed Biikalo waxa kaloo uu sheegay in ay qabteen isla markaana ay gubeen daawooyin iyo sharaab dhacay oo dalka la soo geliyay, waxaanu tilmaamay in toddobaadkan gudihiisa ay magaalada Saylac ku gubeen sharaab dhacay oo laga soo waariday dalka Jabuuti, halka ay magaalada Hargeysana ku qabteen daawooyin dhacay.

 

 

 

 

“Waanu haysanaa sharcigii oo dhammaystiran, waxa ay labada gole ansixiyeen 2014-tii, madaxweynuhuna wuu saxeexay, ilaa imika maanu keenin mishiinkii awooda u lahaa in uu baadho tayada daawada iyo cuntada dalka soo galaysa, balse waanu isku daynay in badan, xukumadda waxaanu u soo bandhigay qorshayaal la xidhiidha sidii lagu heli lahaa shaybaadhkii,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Cali Biikole ayaa sheegay inay Hay’addiisu heegan ugu jirto sidii ay ula dagaalami lahayd in wadanka la keeno badeecado wakhtigoodii dhacay.

 

“Todobaadkan oo keliya waxaanu gubnay saddex goor, sharaab dhacay oo ka yimid Jabuuti, waxaanu ku qabanay magaalada Saylac ee gobolka Selal, waxaanu gudaha magaalada Hargeysa ku qabanay afar gaadhi oo siday dawooyin dhicintaankoodu dhaw yahay, waxaanu ku gubnay dhaamka weyn ee Hargeysa isla todobaadkii hore, waxaanu gudaha madaarka Hargeysa ku qabanay karaatoon dawooyin ah oo diyaarad siday iyagana waan gubnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland Cali Maxamed (Biikalo) oo u waramayay telefiishanka Star. Waxa bulshadu si joogto ah uga cawdaan raashinka iyo dawooyinka dalka la keenno oo tayadoodu aad u liidato.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply