Wasiirka Duulista oo la Kulmay Iibiyeyaasha Tigidhada Diyaaradaha

0
275

Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland, ayaa kulan  is xogwaraysi ah isugu yeedhay shirkadaha iibiya tigidhada Diyaaradaha ee loo yaqaan Travel Agency,kulankaas oo lagaga wada hadlay adeegyada ay bixiyaan iibiyeyaasha  tigidhada diyaaraduhu ee ay bulshada macaamiisha u ah u hayaan iyo sida loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii ay shaqadoodu u noqon lahayd mid bad qab ah oo aan ammaanka dalka waxyeelayn karin ama ay hubin karaan cid kasta oo ay tigidh ka iibinayaan sida uu u yahay qof ammaan ah.

Kulankan oo ka qabsoomay  Xarunta Wasaaradda Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Hargaysa oo ay ka qayb galeen Wasiirka Duulista hawada Farxaan Aadan Haybe, Agaasimaha Guud Wasaarada  Duulista Hawada iyo Gaadiidka  Cumar Cabdilaahi Aadan Cumar-sayid) iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo madaxda shirkadaha iibiyeyaasha Tigidhada Diyaaradaha, waxa  kulanka labada dhinac ka dib war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Duulista, kaas  oo  kulanka lagu faah faahiyay, waxa ku saxeexnaa afhayeenka wasaaradaasi  Ismaaciil Cali Axmed, waxaanu  u dhignaa sidan;

 

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiida Cirka Somaliland iyada oo ka duulaysa wada shaqaynta ay la leedahay  Masuuliyiinta Xafiisyada iibiya tigidhada Diyaaradaha (Travel Agency) iyo la socodka adeegga ay siiyaan Dadweynaha, ayey shalay kulan saacado qaatay isugu yeedhay Masuuliyinta Xafiisyadaas.

Kulankan oo uu furay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar  Cabdilaahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada , Agaasimaha Waaxda Amniga Agaasimaha Waaxda Qorshayanta, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, iyo Masuuliyiinta Travel Agency-yada, waxaa lagaga wada hadlay sidii loo tayayn lahaa adeegyada ay bulshada u hayaan Xafiisyadaasi , iyo in ay wada shaqayn buuxda la yeeshaan Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.

 

Waxa kale oo kulankan la iskula soo qaaday suuragalnimada in uu yimaado xisaabtan, si loo helo Travel Agency buuxinaya baahiyaha bulshada, iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Dadka Tigidhada goosanaya ee Muwaadiniinta iyo Ajaanibkaba ah, iyo sidoo kale in Travel Agency-yadu ay la dagaalamaan Tahriibka kana hortagaan.waxa iyaguna kulankan lagu gorfeeyay sidii iibiyeyaasha tigidhada diyaaraduhu (Travel Agency) ay  gacan uga siin lahayeen Shaqadooda Hay’adaha  Amniga Dawlada, iyaguna u ilaaliyaan Amniga Madaarada iyo Diyaaradaha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply