Xukuumadda oo Sheegtay in Dawladda Imaaraadku Caalamka Bartay Somaliland

0
275

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in heshiiska saldhigga millatari iyo  maalgelinta casriyaynta dekada Berbera ay kor u qaaday fahamka  caalamka ee dawladnimada Somaliland.

 

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegey mar uu shalay warbaahinta  ugu waramay xafiiskiisa  magaalada Hargeysa, waxaanu  caddeeyay in aanay jirin wax walaac ah oo ay ka qabaan in xayiraada laga qaado dhoofka xoolaha oo dhawaan Sucuudigu hakiyay.

 

 

“Somaliland intii ay soo jirtay hadal hayntii la hadal hayay, waxyaabaha ugu weyn ee magaceeda dalacay bay ka mid tahay oo imika muddooyinkii ugu dambeeyay shirkadda DP World iyo saldhigga millatari sida ay saaxada warbaahinta caalamka u galeen dal kale oo innala mid ah (Somaliland) oo intaas la hadal hayay ma jiro. waxa  sababay uun talaabada aynu qaadnay ee  ay xukuumaddu ku dhiiratay saldhigga millatari iyo cid kasta oo wadankayaga imaneysa oo maalgashanaysaba waanu dhiiri galineynaa oo sida dawladaha  caalamka ayaanu u dhaqmaynaa,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse, waxaanu intaas ku daray; “Waxaan u arkaynaa in dadku haatan ay wada garowsadeen, waxa ay kordhinayaan dalalka halkan u imanaya maalgashiga ee ina aaminaya. dadkeenuna imika waa ay fahmi karayaan in DP World ay wax ka bedalayso nolosha dalka oo dhan, hadday noqoto shaqo laga helo, maalka, moodka iyo shaqada ay sitaan ee dalka gudihiisa galeysaba iyo  hadday noqoto khibrada aynu ka helayno iyo waayo aragnimad ay innagu biirinayaan, saldhigfga millatariguna waa la mid.”

 

Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay sababta dib u dhigtay dib u furista xoolaha Somaliland ee Sucuudigu hakiyay in wadankiisa loo iibkeeno xoolihii looga iibkeeni jiray dhulka Soomaalida. “Waxaanu filaynaa Somaliland, waxa imanayay qolo dhakhaatiir ah  oo dawladda Sucuudigu soo diraysay iyo shirkii Yugaandha oo la tagayey labadaba waxaa dib u dhigay maadaama dhulalka Soomaalida oo  ka qayb galayeen shirarkaas,  waxa mashquulsanayd oo doorashooyin galaysay Soomaaliya dabadeena waxaa ay noqotay in la isla sugo oo arrintaa Sucuudigu ka go’aan gaadho. laakiin xoolihii caawa warwarkoodu waa uu naga hadhay annaga,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

 

Wasiirku waxa uu soo dhaweeyay go’aankii muddo kordhinta ee aqalka odayaashu u sameeyeen xukuumadda, Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka, waxaannu yidhi’ “Golaha Guurtida fadhigoodii shalay aad iyo aad ayaanu u haabalyaynaynaa, waana xil distooriya oo ay lahaayeen, waana shaqooyinka ay qabtaan ta ugu weyn, in qaranku marka uu halkan oo kale galaba iyaga ayuu  sharcigu awood u siiyay inay go’aan ka gaadhaa wixii ay xal u arkaan, waana dhaqan aynu leenahay, dal ahaan oo aynua ku soo nooleyn inaynu ku qanacno go’aanka ay hay’adaha sharci dejintu gaadhaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply