Guddida Gurmadka Abaaraha oo Lacag ka Guddoomay Urur Dhallinyaro

0
325

Hargaysa (Dawan)- Guddida Taakulaynta abaaraha Somaliland ayaa deeq lacageed ka guddoomay Ururdhallinyaro oo isku xilqaamay sidii ay taakulayn ballaadhan uga gaysan lahaayeen abaaraha baahsan ee dalka ka jira ,isagoo Madaxwayne ku-xigeenka jamhuuriyada Somaliland goobjoog ka ahaa Madasha lagu Wareejinayo qadarka lacageed ee ka timi qaar ka tirsan dhalinyarada jamhuuriyada Somaliland .

Ayaan Xaaji Aktoobar oo ku hadlaysay magaca gudida dhalinyarada ah ee is xilqaatay ayaa sheegtay inay Gudidada taakulanyta abaaraha ku wareejinayaan lacag dhan 11 kun oo Dollar iyo Lacag kaasha oo dhan 6 Milyan oo shilinka Somaliland ah iyo 1 tan oo isugu jira raashin iyo dhar .

Sheekh Maxmed Aadan oo kamida Guddida u saraysa Taakulaynta Abaaraha ayaa uga mahdceliyay dhalinyaradan sida ay isaga xilqaameen u gurmashada walaalahooda abaarta baahsani ku habsatay isagoo ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay sii wadaan taakeerada ay siinayaan dadka ay abaaruhu naafeeyeen.

 

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyada somaliland ahna ku-simaha Madaxwayanaha oo goobjoog u ahaa madasha lagula kala wareegayay Lacagtan ayaa ugu baaqay Qurbajooga reer Somaliland inay gurmad laxaadleh ka soo gaystaan abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxaanu carabka ku dhuftay inay abaaruhu marayaan meel halisa, waxaanu yidhi, “Waxaan u mahdcelinayaa dhallinyaradan is xilqaantay, waxaan fariin gaara u dirayaa qurbajooga reer Somaliland oo dalal wanaagsan jooga inay wixii karaankooda ah ay ku soo taageeraan dadka ay abaaruhu halakeeyeen ,abaaruhu meel xun bay marayaan Alle ha inaga soo jabiyee aad baan ugu mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay taakulaynta abaaraha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply