Xabsi ku yaal dalka Maraykanka bariga Californiya ayaa laga sheegay warar argagax iyo cabsi leh. Xabsigan ayaa dadkii ku xidhnaa laga daad gureeyay ka dib markii ay, maxaabiistu oo ka cabatay in habeenkii ay maqlayaan codad cabsi leh.
Waxa kale oo dadka soo booqda maxaabiisatani ay sheegeen inay maqlaan codad aan la fahmi Karin , isla markaana aan la garan Karin halka uu ka soo baxayo, kuwaasi oo cabsi ku riday maxaabiista oo seexan weyday. Waxa kale oo cabsidaasi la wadaagay ciidankii Ilaalada jeelka.
Waxaana la sheegay in loo malaynayo in Jin uu degan yahay Jeelkan. Jeelkan ayaa si rasmi ahaa loogu bedelay goob bakhaaro raashinka iyo qalabka lagu kaydiyo. Maxaabiista iyo ilaalada jeelka ayaa si wadajir u ah u codsaday in goobtan albaabada loo laabo. ( Everdaynews).