Qiso “ Gaadhigii Qaaliga Ahaa Ayuu Xashiishku Qiimo Riday”

0
403

Jai Singh Prabhakar wuxu ahaa amiirkii Hindiya intii u dhaxaysay 1882-1937, waan wiilkii keliya aha aee uu dhalay boqorkii Sir Mangal Singh Prabhakar Bahadur. Amiirka Jai Singh wuxu ahaa nin maskax badan.

Sanadkii 1919 ayuu booqasho ku tegay London boqor Jai Singh Prabhakar, isagoo dhex maraya Suuqyada London oo dhar caadi ah xidhan, ayuu si kedis ula kulmay Macrad lagu iibiyo baabuurta. Ninkii madaxa iibka ahaa ayuu weydiiyay noocayada baabuurta ugu danbeeyay iyo qiimahooda.   Ninkan ayaa u qaatay inuu yahay Hindi Sabool ah oo wakhtiga ka luminaya wax jawaaba isagoon siin ayuu ku yidhi iska tag baabuurtan lacag goysa ma haysatide!, waana uu ka eryay Macradka.

Boqorka ayaa ku laabtay Huteelkiisa, ka dibna la soo xidhiidhay macradka si qaabilaad ugu sameeyaan. Markii u tegayay wuxu sii xidhay dharkiisii quruxda badnaa waxaana uu ka codsaday inay ka iibiyaan 10 gaadhi oo nooca qaaliga ah ee ugu danbeeyay oo Rolls-Royce ah oo wakhtigaasi soo baxay madaxduna gaar uu iibsan jirtay, ka dibna dalkiisa ayuu rartay.

 

Markii uu dalkiisa geeyay ayuu go’aansaday in gaadiidkan ku guro xashiishka iyo bulaacadaha  magaalada si uu  bahdilo  Macradka u haysta inay yihiin gaadiidka ugu danbeeyay.

Warbaahinta ayaa arinka ka war heshay oo  si weyn u qaada dhigatay ilaa ay noqdeen gawaadhida ugu caansan ee xashiishka qaada taasi oo keentay in qiimahooda hoos u dhaco shirkaduna khasaaro ku gasho. Shirkada ayaa cudur daar  weyn siisay boqorka waxayna magadhow u siisay 7  gaadhi oo kale iyagoo ka codsaday inuu ka daayo xashiishka. Weligaa dadka Qadari oo xaqirin.

(Indian Newspaper)

Leave a Reply