Ruushka Oo Tijaabiyey Diyaarad Bilaa Duule Ah ( Drone)

0
370

Dawlada Ruushka ayaa tijaabisay diyaarad cusub oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, taas loogu talo galay in ay weeraro ka geysan karto goobaha ay ciidamada cadowga ahi joogaan waqtiyada lagu jiro dagaalada.

Diyaaradan oo lagu magcaabo The Teijer  sawiradeeda iyo muqaal Video ah lagu soo bandhigay wakaalada Wararka ee Interfax oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan, waxaana lagu sheegay inay samaysay diyaaradan wasaaradda difaaca ee Ruushka qaybteeda Wershaduhu,waxaanay tijaabadeedii ugu horeysay dulimaad ku tagtay magaalada Kazan ee wadanka Ruushka .

Culayska diyaaradan ayaa ah ilaa 5 tan, halka ay hawada sarena joogi karto muddo laba cisho ah iyada oo aan isticmaalayn wax shidaal ah, sidoo kalena waxay duuli kartaa joog dhan ilaa 12 km.

Waxa sidoo kale gacan ka geystay samaynta diyaaradan shirkadda Simonov oo laga lee yahay Ruushka, taas oo ku taala magaalada Kazan, waxaanay ku samaysay codsi uga yimid wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Diyaaradan ayaa sidoo kale awood u leh inay duusho masaafo dhan ilaa 10,000 km/saacaddiiba,iyada oo qaadi karta nooc kasta oo hub ah, waxa kale oo ay awood u lee dahay inay iska difaacdo diyaaraddaha iyo hubka lagu soo ridi karo.

Leave a Reply