Xildhibaanno ka Tirsan Wakiillada oo Digniin Adag u Jeediyay Soomaaliya

0
263

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in dawladggda Soomaaliya aanay waxba ka khusayn saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka Berbera.

Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo shalay shir jaraa,id ku qabtay xarunta golaha wakiilada ee Magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in aanay Somaliland cidna waxba ka waydiinayn saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera, waxaana ay u soo jeediyeen baarlamaanka dawlada taagta daran ee Soomaaliya in ay faro galinta ka daayaan Somaliland.

 

Xildhibaan Cumar Axmed Sanwayne oo ugu horrayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in Somaliland ay hawlaheeda u madaxbanaan tahay, waxaanu  yidhi “baarlamaanka Soomaaliya waxa aan leeyahay dawladadayada anagaa u talina anaga ayaana leh, waxaana ay la mid yihiin nin waalan oo Span ah, oo isku haystay in uu yahay nin aad u wanaagsan oo waran qaadan jiray waxa uu la dagaalami jiray shimbiraha hawada sare wareega, markaa Soomaaliya cidlo ayay la dagaalamayaan waxaana aan leeyahay sida aanu idiin ixtiraamno noo ixtiraama,”.

Xildhibaanku waxa kale oo uga digay siyaasiyinta mucaaradka ah ee caadaystay in ay sharcidaro ku sheegaan baarlamaanka Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa kale oo jira dad leh baarlamaanku waa xaaraan, marka baarlamaanku xaaraan noqdo dastuurkuna waa xaaraan ileen dastuurka ayaa jidaynaya baarlamaankee, anagu in aanu kuraasida iska fadhino ma jeclin, laakiin dastuurku waxa uu odhanayaa waa in cidii badalaysaa ay timaado markaa sharci ayaanu ku fadhinaa ee xaaraan kuma fadhino, markaa qofka leh waa xaaraan waxa uu ku jiraa dambi qaran,”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa isaguna waxa uu sheegay in aanay Somaliland cidna uga fasax qaadanayn in dekedaheeda iyo madaaradeeda la maalgashado, waxaana uu yidhi “Waxa aan leeyahay Soomaaliya malaha quusan maysaane anagu waanu goosanay ee aynu kala ceeb la’aano, xad ayaa inoo dhaxeeya, haddii shantii Soomaaliya aad isu keentaan anagu idin raaci mayno, waynu is barangay, dantiina garta dekedahayaga iyo madaaradayada ikhtiyaar ayaanu u leenahay cid aanu u daba fadhiisanaynaana ma jirto, baarlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyo waa sharci, markaa waxa aan leeyahay aynu kala quusano Soomaaliya,”.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa isguna waxa uu sheegay in uu sharci yahay saldhiga milatari ee la siiyay dawladda Imaaraadka Carabta, kaas oo uu baarlamaanku ansixiyay, waxaanu yidhi “Uma baahna goolaftan iyo hadal wixii baarlamaanku ansixiyo, waa sharci cidda daadafaynaysaa iyagu ha keenaan meesha ay keeneen in uu sharci daro yahay waxa uu baarlamaanku ansixiyay, wax yaabaha ugu waawayn ee sicir bararka keenayaa waa shilinkii Somaliland oo suuqa wareegayn oo aan shaqaynan markaa lacagtii elegtaroonig ayuu galay, waxaana loo baahan yahay in dabo gal lagu sameeyo waxa keenaya sicir bararka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply