Xikmadaha Maanta

0
410

– Marka aad jeclaato qof shaqsiyadiisa, wax kasta oo qofkaa ku saabsan waxay kula noqdaan wax wanaagsan.

–  Laba waxyaabood ayaa qofka shaqsiyadiisa qeexa; dulqaadkiisa marka aanu waxba haysan, Sida uu u dhaqmo marka  uu wax walba heysto

–  Qofka sida dhabta ah  kuu jecel marnaba kuma sii daynayo ama kaama quusanayo, si kasta oo xaaladdu u adag tahay. (Tusaale  Waalidka iyo Ubadka)

–  Qof inta badan ilmeeya (ooya) micnaheedu maaha inuu daciif yahay, waxay noqon kartaa sida naftiisu u hadasho marka uu afkiisu sharrixi kari waayo xanuunka uu dareemayo

–  Mararka qaarkood dadku uma baahna waano. Waxay u baahan yihiin qof dhageysta cabashadiisa wixii laga waanin lahaa ku kelifay.

– Markay dadka ku yidhaahdan waad is bedeshay, 90% waxa sababay adigoo  joojiyay  inaad u dhaqanto ama u noolaato sidii ay kaa rabeen

 

 

 

Leave a Reply