Wasiiru-dawlaha Nabadeynta oo la Kulmay Waxgaradka Laba Ardaa oo ku Diriray Koonfurta Sool

0
254

Laascaanood (Dawan)-Wasiiru-dawlaha nabadeynta iyo horumarinta gobollada bari, Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar) oo ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa kulan lagu xoojinayo nabadda la yeeshay  waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Koonfurta gobolka Sool, kuwaas oo ka soo noqday kormeer ay ku tageen deegaamadii ay shaqaaqadu ka dhacday.

 

Wasiirka oo khadka telefoonka  ugu waramay wargayska Dawan,ayaa sheegay in rejo  weyn ka qabaan furdaaminta colaada u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah;  “Waxaan maanta(shalay) kulan la yeeshay  cuqaashii iyo waxgaradkii labada dhinac ee dhibku dhexmaray, iyada oo ay weheliyaan culimada oo xil miisaan leh iska saaray dhex-gelida labada beelood ee ehelka iyo ood wadaagta ah, taasoo ahayd mid muddo dheer soo jiitamaysay, waxayna ka soo laabteen socdaal wacyigelineed oo ay ku soo mareen dhammaan degaankii ay labada beelood deganaayeen dhibkuna ka dhacay.

Sidoo kalena warbixinta aanu kala qaadanay iyaguna noogu soo gudbiyeen Kulankii aanu maanta la qaadanay annaguna aanu isgaadhsiinta kala soconay waa mid maraysa meel rajadeedu 90% tahay. iyada oo inta dhimana ay ku hawlan yihiin culimaa’udiinka isu taagay iyo cuqaasha iyo waxgaradka labada dhinac oo ay ka muuqanaysay  bisayl iyo hagar bax ku salaysan taabbo gelinta nabadda,”ayuu yidhi Wasiir   Cabdirashiid Gargaar.

 

 

Dhinac kalena, Wasiirku wuxuu  sheegay in ay hawlahan nabadeyneed ee dhinacyada ay qayb ka yihiin cuqaashii soo jireenka ahayd sida Cheif Caaqil Cabdikariin Axmed Saleebaan Mursal oo ah caaqilka guud ee beesha Bahararsame iyo cuqaal iyo nin garbood kale oo dhinaca beesha bahararsame ah gacantana ku haya dhinacooda, halka dhinaca Beesha Qayaad Cheif caaqil Axmed Saleebaan Shabac, cuqaal iyo waxgarad kale dhinaca beeshooda ah.

“Waxaan u mahadnaqaynaa  xukuumadda Somaliland oo muddo dheer oo ay collaadani jirtay aan mar walba ku hawlaneyd nabadeynteeda, waxa nabadeynta degaannadan  nagu hoggaaminaya madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay si dhab ah uga go’an tahay dib u heshiisiinta gobollada bari iyo horumarintoodaba,”ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu.

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay xukuumad ahaan u mahadcelinayaan cid kasta oo isku hawshay oo labada ardaa nabadeyntooda u kala dab qaaday. Waxa kaloo uu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay waxba kala hadhi doonin sidii ay u taakulayn lahayd gobolada bari ee abaarta adagi ku habsatay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply