Madaxweynaha Somaliland oo Kulan Lagu Dardar-gelinayo Gurmadka Abaaraha Iskugu Yeedhay Guddidii Taakulaynta Bulshada Tabaalowday

0
254

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha SomlailanHargeysa(Dawan)-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa shalay 12.03.2017 wuxuu qasriga Madaxtooyada kulan ballaadhan kula yeeshay Guddida heer Qaran ee Gurmadka iyo taakulaynta Abaaraha, Guddidaasi oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici).

Ujeeddada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu kulankan u qabatay Guddida heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha waxay ahayd si uu xog iyo xaqiiqo dhammaystiran uga helo isla markaana u dhagaysto warbixinnadii ugu dambeeyey ee la xidhiidha arrinta Abaaraha baahsan ee guud ahaanba dalka ka jira.

Xagga Xukuumadda, waxa Madaxweynaha kulankaa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka JSL, Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Degaanka, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Diinta iyo Awqaafta, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu war-bixin faah-faahsan ka dhegeystay xubno ka mid ah Guddida heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, kuwaasoo si mug leh uga warramay guud ahaanba saamaynta iyo waxyeelada dhinacyada badan leh ee ay Abaaruhu u geysteen dadka iyo duunyadaba. Sidoo kale, labadan masuul waxa kale oo ay si waafiya uga war-bixiyeen qaabka hawl gal ee Guddida, wixii u qabsoomay, wixii weli ka qabyo ah, caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmeen. Waxa kale oo ay Madaxweynaha uga warameen wixii Guddida hanti soo gashay iyo qaabka ay u maamuleen iyo qadarka xisaabta ah ee weli ku jirta account-nada Guddida. Sidoo kale waxay ka xog-warameen baahiyaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah bedbaadada nolosha Bulshada ay Abaaruhu tabaaleeyeen, sida Biyaha, Raashinka, Nafaqada, Caafimaadka iyo Calafka Xoolaha wixii weli sii nool.

Siduu noo sheegay afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), Guddida heer qaran ee Gurmadka Abaaruhu waxay si weyn uga dayriyeen culayska Abaaraha baahsan ee ka jira dalka oo dhan, kuwaasoo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii adkaanaya. Guddidu waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen in loo baahan yahay in talo qaran oo midaysan laga yeesho gurmadka iyo taakulaynta abaaraha isla markaana la dejiyo qorshe iyo Istaraatijiyad cad oo loogu gurmanayo bulshada JSL ee ay Abaaruhu tabaaleeyeen.

Waxa iyaguna kulankaa ka hadlay Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Degaanka iyo Xannaanada Xoolaha oo dhammaantoodba si faah-faahsan Madaxweynaha ugaga warramay saamaynta iyo waxyeelada dhinacyada badan leh ee ay Abaaruhu u geysteen dadka iyo duunyadaba,iyo sida ay Abaartu u wiiqday awoodii wax kala iibsiga, wax soo dejinta iyo guud ahaanba dakhligii Qaranka ka soo geli jiray Xarakaadka suuqyada Ganacsiga iyo sayladaha iibka iyo dhoofka xoolaha.

Wasiirradu waxay soo jeediyeen, maadaama ay Abaartii inagu daba dheeraatay in loo baahan yahay in Xukuumada ahaan la qaato go’aanno adag oo lagula tacaalayo Abaaraha, isla markaana la dejiyo Qorshe iyo Isteraatijiyad cad lagana yeesho talo Qaran oo midaysan oo ku wajahan Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha.

 

Aqoonyahan Maxamed Warsame, oo ka mid ah mutacalimiinta reer Somaliland ee ka soo shaqeeyay ha’yadaha caalamiga ah, oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay in dawladdu ka hawlgasho sidii Hay’adaha caalamiga ahi kaalintooda uga qeybqaadan lahaayeen.

Maxamed Warsame waxa uu ku dooday in hay’adaha fadhigoodu yahay Hargeysa aanay ahayn qaar wax ka go’aan, waxaanu tilmaamay in cidda wax ka go’do fadhigoodu yahay Nairobi, waxaanu soo jeediyay in mar walba dawladu joogto Kenya si ay u wargeliyaan.

Maxamed Warsame, waxa uu tilmaamay in warbixin ay soo saareen hay’adaha caalamiga ahi ay xuseen in gobolka Togdheer 9000 oo qoys oo kaliya ay abaartu si xun u saameysay, taasina ay ka dhigan tahay in hay’aduhu xaqireen duruufta abaareed ee shacbiga Somaliland gaar ahaan gobollada bariga ku laxaadsatay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply